Liiska Axaadiista

qofka u weyso qaata sidaa aan u weyso qaatay ee tukada labo Rakcadood oo aanu naftiisa la sheekaysan Salaada dhexdeeda, Ilaahay wuxuu ka dhaafaa dambiyadiisii hore
عربي الإنجليزية الأوردية
Ilaahay ma aqbalo Salaada midkiin hadii waysadu ka jabto ilaa uu weyso qaato
عربي الإنجليزية الأوردية
Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan
عربي الإنجليزية الأوردية
Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka
عربي الإنجليزية الأوردية
Markuu wayso qaadanayo midkiin Biyaha Sankiisa ha geliyo hadana ha soo firdhiyo, Qofka dhagax ku istinjoodana dhagxaanta witir ha ka dhigo
عربي الإنجليزية الأوردية
wuxuuna ugu wayso qaatay waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-
عربي الإنجليزية الأوردية
Nin ayaa weyso qaatay oo ka tagay meel cidi le`eg oo ciribtiisa ah, Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu arkay, wuxuuna ku yiri: "noqo oo weysadaada hagaaji", wuu laabtay-ninkii- wuuna wanaajiyey weysadii ka dib wuu tukaday
عربي الإنجليزية الأوردية
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu u wayso qaadan jiray Salaad walba
عربي الإنجليزية الأوردية
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu weyso qaadanayo wuxuu dhaqi jiray mar mar kaliya
عربي الإنجليزية الأوردية
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu weysadiisa dhaqay xubnaha labo mar labo mar
عربي الإنجليزية الأوردية
Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo
عربي الإنجليزية الأوردية