+ -

عَنْ ‌أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِذَا وَجَدَ أَحَدُكُمْ فِي بَطْنِهِ شَيْئًا، فَأَشْكَلَ عَلَيْهِ أَخَرَجَ مِنْهُ شَيْءٌ أَمْ لَا، فَلَا يَخْرُجَنَّ مِنَ الْمَسْجِدِ حَتَّى يَسْمَعَ صَوْتًا، أَوْ يَجِدَ رِيحًا».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 362]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 362]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey hadii Qofka tukanaaya calooshiisa ka dareemo dhaqdhaqaaq oo uu kala garan waayo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu Salaada ka bixin oo jarin si uu u soo weyso qaato, ilaa uu hubsado inuu jiro shay weysadiisii ka buriyey, taaso ah inuu maqlo Neef codkeed ama uu uriyo Neef, maxaa yeelay Qofka huba weysada shaki kama buriyo, Qofkuna wuu hubaa weysadiisii, shayga dhaqaajiyey ayaa shaki ah.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiskani waa asal ka mida asalada Islaamka iyo qaacido ka mida qaacidooyinka fiqiga, waana: yaqiin shaki laguma suuliyo, asalkuna wuxuu baaqi ku ahaanayaa sidiisa ilaa la hubsado wax sidiisa ka duwan.
  2. Shakigu ma saameeyo dahaarada, Qofka tukanayaana dahaaradiisii ayuu qabaa ilaa uu hubsado inay burtay.
Tarjumada: Engriisi Urduu Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.