عَنْ ‌عَبْدِ اللهِ بْنِ زَيْدٍ رضي الله عنه:
أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ تَوَضَّأَ مَرَّتَيْنِ مَرَّتَيْنِ.

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 158]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Seyd Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu weysadiisa dhaqay xubnaha labo mar labo mar.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 158]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa xiliyadiisa qaar haduu weyso qaadanayo xubnaha weysada wuxuu dhaqi jiray labo mar, wuxuu dhaqi jiray wajiga-oo uu ku jiro luqluqushada iyo san daarsigu, gacmaha iyo lugaha labo mar.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waajibka dhaqida xubnaha weysada waa hal mar, wixii ka badani waa Suno.
  2. Waa Sharci in weysada la dhaqo xubnaha labo mar labo mar waqtiyada qaarkood.
  3. Waa sharci in Madaxa la masaxo hal mar.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (58)