عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ:
تَوَضَّأَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَرَّةً مَرَّةً.
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 157]
المزيــد ...
Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu weyso qaadanayo wuxuu dhaqi jiray mar mar kaliya.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 157]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa waqtiyada qaar markuu weyso qaadanayo, xubinaha weysada wuxuu dhaqi jiray hal mar, wuxuu dhaqi jiray Wajiga, luqluqushada, San daarsiga, Gacmaha iyo Lugaha hal mar, waana intaas qadarka waajibka ahi.