عَنِ ‌ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ:
تَوَضَّأَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَرَّةً مَرَّةً.

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 157]
المزيــد ...

Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu weyso qaadanayo wuxuu dhaqi jiray mar mar kaliya.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 157]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa waqtiyada qaar markuu weyso qaadanayo, xubinaha weysada wuxuu dhaqi jiray hal mar, wuxuu dhaqi jiray Wajiga, luqluqushada, San daarsiga, Gacmaha iyo Lugaha hal mar, waana intaas qadarka waajibka ahi.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xubnaha weysada inta waajibka ah in la dhaqo waa hal mar, wixii intaa ka badani waa Sune.
  2. Waa Sharci weysada hal mar la dhaqayo waqtiyada qaarkood.
  3. Waa Sharci in Madaxa hal mar la masaxo.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (58)