عن عَمْرُو بْنُ عَامِرٍ عَنْ ‌أَنَس بن مالك قَالَ:
كَانَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَتَوَضَّأُ عِنْدَ كُلِّ صَلَاةٍ، قُلْتُ: كَيْفَ كُنْتُمْ تَصْنَعُونَ؟ قَالَ: يُجْزِئُ أَحَدَنَا الْوُضُوءُ مَا لَمْ يُحْدِثْ.

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 214]
المزيــد ...

Camar Binu Caamir wuxuu ka wariyey Anas Binu Maalik inuu yiri:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu u wayso qaadan jiray Salaad walba, waxaan ku iri: maxaad sameyn jirteen?, wuxuuna yiri: waxaa ku filnaa midkayo waysadiisa mar hadaanay ka jabin.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 214]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaad walba oo faral ah wuu u weyso qaadan jiray, xataa hadaan waysadu ka jabin, waana si uu uga helo ajar iyo fadli.
Waxaa banaan in lagu tukado hal weyso Salaadaha faral ka ah hal ka badan intuu weysadiisa qabo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ficilka uu ugu badanaa ee uu samayn jiray wuxuu ahaa inuu Salaad walba u weyso qaato, isagoo doonaya sida ugu kaamilsan.
  2. Waa Suno in Salaad walba loo weyso qaato.
  3. Way banaan tahay in lagu tukado hal weyso hal Salaad wax ka badan.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (58)