عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِذَا تَوَضَّأَ أَحَدُكُمْ فَلْيَجْعَلْ فِي أَنْفِهِ ثُمَّ لِيَنْثُرْ، وَمَنِ اسْتَجْمَرَ فَلْيُوتِرْ، وَإِذَا اسْتَيْقَظَ أَحَدُكُمْ مِنْ نَوْمِهِ فَلْيَغْسِلْ يَدَهُ قَبْلَ أَنْ يُدْخِلَهَا فِي وَضُوئِهِ، فَإِنَّ أَحَدَكُمْ لاَ يَدْرِي أَيْنَ بَاتَتْ يَدُهُ».
ولفظ مسلم: «إِذَا اسْتَيْقَظَ أَحَدُكُمْ مِنْ نَوْمِهِ فَلَا يَغْمِسْ يَدَهُ فِي الْإِنَاءِ حَتَّى يَغْسِلَهَا ثَلَاثًا، فَإِنَّهُ لَا يَدْرِي أَيْنَ بَاتَتْ يَدُهُ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 162]
المزيــد ...
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Markuu wayso qaadanayo midkiin Biyaha Sankiisa ha geliyo hadana ha soo firdhiyo, Qofka dhagax ku istinjoodana dhagxaanta witir ha ka dhigo, markuu midkiin hurdada ka tooso ha dhaqo Gacmihiisa intaanu Biyaha waysada gelin, waayo ma oga midkiin halka ay Gacantiisu bariday", imaam Muslim ayaa isna sidan u wariyey: "markuu midkiin tooso yaanu gelin Gacantiisa weelka ilaa uu seddex jeer uu dhaqo, waayo ma oga halkay Gacantiisu bariday."
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 162]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey qaar ka mida axkaanta dahaarada, waxaana ka mida: Mida 1aad: Qofki wayso qaadanaya waa inuu Biyaha Sanka geliyo, hadana neefta soo raaciyo oo soo firdhiyo. Mida 2aad: Qofkii doonaya inuu isaga nadiifiyo najaasada ka soo baxaysa isaga waxaan Biyo ahayn sida dhagxaanta iyo wixii la mida, wuxuu isku nadiifinayaa tirsi kinsi ah oo ugu yaraan ah seddex ugu badnaan wixii tirtiraya najaasada meeshana nadiifinaya. Mida 3aad: Qofka ka toosa hurdada habeenka Gacantiisa galinmaayo weelka markuu wayso qaadanayo ilaa uu Gacantiisa ku dhaqdo weelka dibadiisa, waayo ma oga halkay Gacantiisu bariday, kama aamin aha in Gacantiisu najaaso taabatay, waxaana dhici kara inuu shaydaan ku ciyaaray, oo uu saaray waxyaabo dadka dhibaya ama Biyaha xumaynaya.