iiga sheeg Diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow
Qofka u adeega Garoobka iyo Miskiinka, wuxuu la mid yahay Mujaahidka jidka Ilaahay u dagaalamaa, ama Qof Habeenkiina cibaado u taagan Maalintiina Sooman
Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan
Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin Janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay Naartuu gelayaa
Qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa Qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa Lugood waxaan u balan qaadayaa Janada
Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta
Wixii ku dhaca Muslimka ee ah Rafaad ,Daal, Hami, Murug, Uur ku taalo iyo Dhibaato, xataa Qodaxda mudaysa, Ilaahay danbigiisuu ugu dhaafaa
Muslimku xaga uu ku leeyahay Mlimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, Janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo
Allaha u naxariisto nin wanaag badan haduu wax iibinaayo, haduu wax soo gadanaayo, iyo haduu gar naqsanaayoba
Hadii aad Ilaahay u talo saaran lahaydeen tawakulka dhabta ah, wuxuu idiin arsaaqi lahaa siduu shimbiraha u arsaaqo, waxay kalahdaa iyadoo gaajaysan, waxayna soo hoyataa iyadoo dharagsan
Dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadhiyaan Minbaro Nuur ah, kaasoo ah Midigta Ilaahay Casa Wajala, iyadoo labadiisa Gacmoodba ay Midig
Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,
Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta
Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay Afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga
Qofka difaaca Cirdiga iyo Sharafta Walaalki Ilaahay baa isna Wajigiisa Naarta ka difaaci Maalinta Qiyaamaha
Qofka dhaha: Subxaana Allaahi wa Bixamdihii, boqol jeer Maalintii dambigiisa waa loo dhaafaa haba haato Daad xoorta Badda oo kalee
Qofka dhaha: laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli Shayin qadiir, toban jeer
Muuminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa Dumarkooda u khayroon
Ilaahay wuu kaga raali noqdaa Qofka markuu wax cuno oo Ilaahay ku mahadiyo iyo markuu wax cabo oo uu Ilaahay ku mahadiyo
Qofka meel dega ee dhaha: acuudu bikalimaati Allaahi taamaati min shari maa khalaqa, lam yaduruhu shayin xataa yartaxil min mansilihi daalik
Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa Ilaaha ilaa Allaahu, wallaahu Akbar, ayaan ka jeclahay inta Qoraxdu u soo baxdo oo dhan"ه
Qofka akhriya Xaraf ka mid ah Kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed
kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka Samada ku sugane
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay qasciga oo ah in Timaha qaar la xiiro qaarna la daayo
majiro Qof qiraya inuusan jirin Ilaah xaqa lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta
Hadii Qof idinka mida uu wax cunayo ha ku cuno Midigtiisa, haduu wax cabaayana ha ku cabo Midigtiisa, waayo Shaydaanku wuxuu ku cunaa Bidixdiisa wuxuuna ku cabaa Bidixdiisa
Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka
xaqa Ilaahay Adoomada ku leeyahay waa inay caabudaan oo ayna cidna ugu Shariig yeelin, xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiina waa inuuna cadaabin Qofkii aan u shariig yeelin
Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin
iiga sheeg Diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow
Markuu Ilaahay Abuuray Janada iyo Naarta wuxuu u direy Janada Malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee
waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-
Ilaahay sareeye wuxuu yiri: Salaada waxaan u kala qaybiyey aniga iyo Adoonkayga laba nus, Adoonkayguna wuxuu i waydiistuu
Ha xiranina Xariirta iyo Diibaajka, hana ku cabina Weelasha Dahabka iyo Fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo Gaaladaa Aduunka wax ku cuna inaguna Aakhiraan leenahay
idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa
labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray
Markuu wayso qaadanayo midkiin Biyaha Sankiisa ha geliyo hadana ha soo firdhiyo, Qofka dhagax ku istinjoodana dhagxaanta witir ha ka dhigo
Haduu ninku markuu soo gelayo Gurigiisa, ama uu cuntadiisa cunaayo, Shaydaanka wuxuu dhihin: halkan Hoy iyo Cashaba kuma lihin
Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxaad ku samaysaan, Aduunyada iska jira Dumarkana iska jira
Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo
Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin Saalix ah iyo kan la fadhiya nin Xun sida kan sitaCcatarka Miskiga iyo kan Dabka afuufaya
Lacagta ugu fadliga badan ee uu ninku bixiyo waa lacagta uu ku masruufo ciyaalkiisa, iyo lacagta uu ku bixiyo neefkiisa uu jihaadka ugu tala galay, iyo lacagta uu ku bixiyey asxaabtiisa jihaadka ay kuwada jiraan
Muuminka xaalkiisu yaab ayuu leeyahay, arimihiisa oo dhan waa khayr, sidaasina Muuminka maahee cid kale uma sugnaan
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu hindhisayo Gacantiisa ama Maradiisa ayuu saari jiray Afkiisa oo ku yarayn jiray Codkiisa
Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya
camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado''
Nin ayaa Bidixda ku cunay isagoo la jooga Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " ha awoodin
Baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki,-saddex jeer", qofkasta oo naga mid ah qalbigiisa wax baasaysiga ah baa ka dhacaaya laakiin Ilaahay wuxuu kaga dhaafaa tawakulka
Majiro cudur iskii u kala gudba, majirto in la baasaysto shimbiraha ama guumeysta iyo in la baasaysto bisha safar, ugana carar qofka qaba juudaanka sidaad uga cararto libaaxa
Ilaahay baan ku dhaartaye in Ilaahay kugu soo hanuuniyo hal nin, ayaa kaaga kheyr badan inaad yeelato geel cas-cas
Allaha Rabigiina ah ka baqa, shantiina salaadoodna tukada, bishiinana sooma, sakada maalkiinana bixiya, madaxdiinana adeeca janada Rabigiin baad galaysaane
Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina
itus camal aan sameeyo oo janada aan ku galo, wuxuu ku yiri -Rasuulku-: Ilaahay ayaad caabudin waxbana la wadaajin maysid cibaadadiisa, salaadaha faralka ahna waad oogin, sakada waajibka ahna waad bixin, ramadaankana waad soomin
Sankiisu ha booroobo (haddulloobo), sankiisu ha booroobo, sankiisu ha booroobo", waxaa lagu yiri: waa kee? Rasuulkii Ilaahayow wuxuu yiri: "waa qofka soo gaara labadiisa waalid iyagoo gaboobay, midkood ama labadaba ee aan janada galin
Qofka gaadiidka saaran ayaa salaamaya kan lugaynaya, kan lugaynayana wuxuu salaamayaa kan fadhiya, dadka tirada yarina kuwa tirada badan bay salaamayaan
Ilaahay wuxuu fidiyaa GacantiisaHhabeenka si uu u tawbo keeno midka Maalinta dambaabay, Maalintana wuu fidiyaa Gacantiisa si uu u towbo keeno midka Habeenka dambaabay, ilaa Qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo
Majiro wax ka culus miisaanka qofka mu'uminka ah maalinta qiyaamaha Akhlaaqda fiican, Illaahayna wuu u caroodaa qofka afka xun ee ma xishoodaha ah
Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa nagu soo baxay, waxaanan ku niri: Rasuulka Ilaahayow, waan baranay sidaan kuu salaamaynee, sideen kuugu sallinaa?
Mu'uminka xoogga weyn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xaga Ilaahay Mu'uminka Daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay,
Ducada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta Naarta-ee Aakhiro
Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey,
Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba
{قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada Suuradood ee Micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس" Galabtii iyo Subixii sedeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba
dheh :laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu, Allaahu akbar kabiiran, wal xamdu lillaahi kasiiran, subxaana Allaahi Rabbil caalamiin, laa xawla walaa quwata illaa billaahil-casiisil xakiim
Kuwa mucaqibaatka ah ee aanu khasaarin qofka akhristaa - ama ku camal falaa- salaad walba oo waajib ah gadaasheeda, saddex iyo sodon tasbiix, saddex iyo sodon taxmiid iyo afar iyo sodon takbiir
Labo qolo oo dadka Ehlu naarka ah ma arkaayo, qolo sidata jeedal lo'oda saynteeda oo kale ah oo dadka ku garaacaya iyo dumar labisan oo qaawan, oo qaloocsan oo is qaloocinaaya
Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay
Rasuulkii Ilaahayow, kama aanan tegin dambi wayn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yiri : .miyaadan qirayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay?
Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado
Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso
Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo
Ma jecel yahay in qof idinka mida haduu u soo laabto reerkiisa uu ka halo saddex halaad oo waawayn oo buur buuran?
Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku Luuqee sidaad ugu Luuqayn jirtey Aduunka, Gurigaagu waa halka Aayada ugu dambaysa aad ku akhrido)
qofka Qur'aanka kor u akhriya wuxuu la mid yahay Qofka Sadaqada muujiya, Qofka Quraanka siraystan wuxuu la mid yahay Qofka Sadaqada siraystay
toban aayadood, mana ay qaadan jirin tabanka kale ilaa ay bartaan waxa ku jira ee cilmi iyo camalba ah
Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey)
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu tago Gogoshiisa Habeen walba wuu isku qaban jirey labadiisa Sacab, wuxuu ku akhrin jiray kuna tufi jiray: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}
Majiro Nin dambaabaya dambi, oo intuu kaco dahaara qaadanaya Salaadna tukanaaya, ka dibna istiqfaarsanaya, haduu jirose Ilaahay wuu u dambi dhaafayaa isaga
Hadii midkiin soo galo masaajidka ha dhoho: Allahayow iifur Albaabada Naxariistaada, haduu baxayana ha dhoho: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga
kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf