+ -

عَنْ سَلَمَةَ بْنِ الْأَكْوَعِ رضي الله عنه:
أَنَّ رَجُلًا أَكَلَ عِنْدَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِشِمَالِهِ، فَقَالَ: «كُلْ بِيَمِينِكَ»، قَالَ: لَا أَسْتَطِيعُ، قَالَ: «لَا اسْتَطَعْتَ»، مَا مَنَعَهُ إِلَّا الْكِبْرُ، قَالَ: فَمَا رَفَعَهَا إِلَى فِيهِ.

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2021]
المزيــد ...

Salama Binu Alakwac Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey:
Nin ayaa Bidixda ku cunay isagoo la jooga Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " ha awoodin ", kibir baa u diiday, wuxuu yiri: mar danbe Gacantiisii Afkiisa uma qaadin, .

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2021]

Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa arkay nin Bidixda wax ku cunaaya, wuxuuna amray inuu Midigtiisa ku cuno, Wuxuu ku jawaabay inuusan awoodin isagoo ay kibir iyo been ka tahay! Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku habaaray inuu kari waayo Midigta inuu wax ku cuno. Ilaahayna wuu aqbalay habaarkii Nabigiisa oo waa qalashay Midigtiisii, mana awoodin inuu Afkiisa gaarsiiyo intaa ka dib cunto iyo cabitaanba.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa waajib ah in Midigta wax lagu cuno, waana xaaraan in Bidixda wax lagu cuno.
  2. Qofka iska waynaysiiya ku dhaqanka Axkaanta Shareecada Islaamka wuxuu mudan yahay in la ciqaabo.
  3. Ilaahay wuxuu ku karaameeyey Nabigiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu habaarkiisa aqbalay.
  4. Farida wanaaga iyo reebida xumaha waa waajib shareecadu fartay, xaalad kastoo lagu jiro, xataa waqtiga cuntada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.