+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان يقول:
«الصَّلَوَاتُ الْخَمْسُ، وَالْجُمُعَةُ إِلَى الْجُمُعَةِ، وَرَمَضَانُ إِلَى رَمَضَانَ، مُكَفِّرَاتٌ مَا بَيْنَهُنَّ إِذَا اجْتَنَبَ الْكَبَائِرَ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abi Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay inuu oran jiray:
(Salaadaha shanta ah, iyo jimce ilaa jimcada kale, iyo ramadaan ilaa ramadaanka kale, inta u dhaxaysa waa lagu danbi dhaafaa danbiyada hadii laga fogaado kabaa`irta).

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in salaadaha shanta ah ee la isku farad yeelay maalinta iyo habeenka, iyo salaada jumcaha ee usbuucii mar ah, iyo soonka oo bisha ramadaan oo sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa wayn. Dambiyada waawayn sida sinada iyo khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dambiyada waxaa ka mida kuwo yaryar iyo kuwo waawayn.
  2. Dambiyada yaryar dhaafidooda waxaa u shardi ah in laga fogaado dambiyada waawayn.
  3. Kuwa waa weyni waa dembiyada ay ku waajibtey in qofka lagaga gooyo ciqaabtooda dunida hadii shuruuduhu sax yihiin (xadka qisaas asharci), ama ay kus oo aroortay balan ka gooyn aakhiro: sida cadaab, cadho Alle, ama ay jirtey hanjabaad qofka sameya waxa, ama lacnad cidda fasha, sida dhileysiga iyo khamri cabitaanka.