+ -

عن خَولة الأنصاريةِ رضي الله عنها قالت: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول:
«إِنَّ رِجَالًا يَتَخَوَّضُونَ فِي مَالِ اللهِ بِغَيْرِ حَقٍّ، فَلَهُمُ النَّارُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ».

[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Khawla Alansaariya Allaha ka raali noqde ayaa tiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya:
"Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, naar ayey leeyihiin maalinta qiyaame."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in dad si xaq daro ah ugu tagri falaan xoolaha muslimiinta, ku waasoo xaq daro ku qaadanaaya, waa arimaha xoolaha guud ahaaneed sida aruurintooda, in laga kasbo meel aan banaanayn iyo in lagu bixiyo meel aan sax ahayn, taas waxaa soo galaya cunida xoolaha agoonta, xoolaha waqafka ah, iyo amaanada oo la inkiro iyo in xoolaha dad waynaha xaqdaro lagu qaato.
Ka dib Nabigu scw wuxuu sheegay in abaal marintoodu naar tahay maalinta qiyaame.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xoolaha dadka gacantooda ku jira waa maal Ilaahay, oo isagu u dhiibtay, si ay ugu bixiyaan dariiq sharci ah, kana fogaadaan inay si qaldan u isticmaalaan, dadkoo dhan ayaa loo jeedaa madaxda iyo qayrkood oo dadka shacabka ah.
  2. Sharcigu waa adkeeyey xoolaha dad waynaha, qofkii madax ka noqda wax ka mida xoolaha dad waynaha maalinta qiyaame waa lagu xisaabin meeshuu ka keenay iyo meeshuu ku bixiyey.
  3. Goodigaas waxaa soo galaya qofka si qaldan u isticmaala xoolo ama kuwiis ha noqdeen ama kuwo qayrkiye.