عن عائشة رضي الله عنها قالت: قال النبي صلى الله عليه وسلم:
«لَا تَسُبُّوا الْأَمْوَاتَ، فَإِنَّهُمْ قَدْ أَفْضَوْا إِلَى مَا قَدَّمُوا».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 1393]
المزيــد ...
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene."
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 1393]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay xaaraan tahay in dadka dhintay la caayo iyo in sharaftooda wax laga sheego, taasina waa akhlaaq xumo, waayo waxay heleen waxay hor marsadeen ee acmaal fiican ama xun ahaa, caydaasina iyaga ma gaarayso ee waxay dhibaysaa kuwa nool.