+ -

عن أبي أيوب الأنصاري رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«لَا يَحِلُّ لِرَجُلٍ أَنْ يَهْجُرَ أَخَاهُ فَوْقَ ثَلَاثِ لَيَالٍ، يَلْتَقِيَانِ، فَيُعْرِضُ هَذَا وَيُعْرِضُ هَذَا، وَخَيْرُهُمَا الَّذِي يَبْدَأُ بِالسَّلَامِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii ayuub Alansaarii Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka scw ayaa yiri:
"Nina uma banaana inuu gooyo walaalkii saddex habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu reebay in qofka muslimka ah gooyo walaalkiisa muslimka ah wax ka badan saddex habeen, iyagoo wada kulmaya oo aan isisa salaamayn oo wada hadlayn.
Waxaana fadli badan labada isu caraysan kii isku daya inuu gooynta joojiyo oo salaanta bilaaba, gooyinta la sheegay waxaa loo jeedaa wax qofka dantiisa ah, laakiin gooynta ku saabsan xaqa Ilaahay leeyahay, sida in la gooyo kuwa caasiyada ah, kuwa bidcada ah iyo saaxiibada xun, taasi waqti kuma xirna ee waxay ku xiran tahay danta loo gooyey, oo hadii ay joogsato iyana way joogsan.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxa loo baneeyey sadex maalmood iyo wixii ka yar, iyado la tix galinayo dabeecadaha dadka, waxaana laga cafiyey gooyinta sadex beri ah si uu u dhamaado khilaafku.
  2. Fadliga salaantu leedahay, iyo inay tirtirayso wixii nafta ku jira, waxayna astaan u tahay is jeclaanta.
  3. Islaamku wuxuu ku dadaalay walaaltinimada iyo isku duubnaanta muslimiinta u dhaxaysa.