عن أبي الدرداء رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«مَنْ رَدَّ عَنْ عِرْضِ أَخِيهِ رَدَّ اللهُ عَنْ وَجْهِهِ النَّارَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ».

[صحيح] - [رواه الترمذي وأحمد] - [سنن الترمذي: 1931]
المزيــد ...

Abii Dardaa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Qofka difaaca Cirdiga iyo Sharafta Walaalki Ilaahay baa isna Wajigiisa Naarta ka difaaci Maalinta Qiyaamaha."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi iyo Axmed] - [Sunan At-tirmidi - 1931]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka difaaca Sharafta Walaalkiisa Muslimka ah markuu maqan yahay, isagoo u diidaya in lacaayo oo la xumeeyo, Qofkaa Wajigiisa Ilaahay waa ka Ilaaliyaa cadaabka Maalinta Aakhiro.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la reebay in wax laga sheego Cirdiga Muslimiinta.
  2. Abaal marintu waa nooca camalku yahay, Qofka Cirdiga Walaalkiisa Muslimka ah difaaca isagana Ilaahay baa Naarta ka celiya.
  3. Islaamku waa diin Walaaltinimo faraysana Muslimiintu inay xaqa isugu hiiliyaan.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)