+ -

عن جابر رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«رَحِمَ اللهُ رَجُلًا سَمْحًا إِذَا بَاعَ، وَإِذَا اشْتَرَى، وَإِذَا اقْتَضَى».

[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Jaabir Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri:
(Allaha u naxariisto nin wanaag badan hadii uu wax iibinaayo, haduu iibsanaayo, iyo haduu gar naqsaayoba.)

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu naxariis ugu duceeyey qof kastoo sahlan oo deeqsiya oo sakhi ah markuu wax iibinaayo. Kuma adkeeyo sicirka qofka wax ka iibsanaya, wuxuuna kula dhaqmaa akhlaaq fiican. waa qof sahlan oo deeqsi ah oo sakhi ah oo markuu wax iibsanayo ma bakhso mana yareeyo qiimaha badeecada. Waa qof sahlan oo deeqsi ah oo sakhi ah markuu dayntiisa, waydiisanayo, kuma adkeeyo faqiirka iyo kan baahan, balse wuxuu u waydiiyaa si fudud oo naxariisi ku jirto, wuuna ka sugaa kaan haysan.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Ujeedooyinka shareecada islaamka waxaa ka mid ah: ilaalinta danaha wanaagsan iyo xidhiidhka u dhexeeya dadka.
  2. waxaa la is jeclaysiinayaa in dadka lagula dhaqmo akhlaaqda sare marka wax la kala iibsanayo iyo marka wax la soo iibsanaayo iyo wixii la midaba.