عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«خَيْرُ يَوْمٍ طَلَعَتْ عَلَيْهِ الشَّمْسُ يَوْمُ الْجُمُعَةِ، فِيهِ خُلِقَ آدَمُ، وَفِيهِ أُدْخِلَ الْجَنَّةَ، وَفِيهِ أُخْرِجَ مِنْهَا، وَلَا تَقُومُ السَّاعَةُ إِلَّا فِي يَوْمِ الْجُمُعَةِ».  
                        
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 854]
                        
 المزيــد ... 
                    
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Maalin Qoraxi soo baxdo waxaa ugu khayr badan Maalinta Jimcaha, iyadaa Aadam la abuuray, iyadaana Janada la geliyey, iyadaana laga soo saaray, Qiyaamuhuna dhicimaayo Maalin aan  Jimce ahayn". 
                                                     
                                                                                                    
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 854]                                            
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Maalin Qoraxi soo baxdo Maalinta Jimcuhu ugu khayr badan yahay. Sifooyinkiisa waxaa ka mida: inuu Ilaahay abuuray Nabi Aadam-nabadi korkiisa ha ahaatee-, isla jimcahana janada la galiyey, jimcena laga saaray oo dhulka loo soo dajiyey, qiyaamuhuna ma dhacayo maalin aan jimce ahayn.