Noocayn: Caqiidada .
+ -

عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال:
بَيْنَمَا نَحْنُ عِنْدَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ذَاتَ يَوْمٍ إِذْ طَلَعَ عَلَيْنَا رَجُلٌ شَدِيدُ بَيَاضِ الثِّيَابِ، شَدِيدُ سَوَادِ الشَّعَرِ، لَا يُرَى عَلَيْهِ أَثَرُ السَّفَرِ، وَلَا يَعْرِفُهُ مِنَّا أَحَدٌ، حَتَّى جَلَسَ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَأَسْنَدَ رُكْبَتَيْهِ إِلَى رُكْبَتَيْهِ، وَوَضَعَ كَفَّيْهِ عَلَى فَخِذَيْهِ، وَقَالَ: يَا مُحَمَّدُ، أَخْبِرْنِي عَنِ الْإِسْلَامِ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «الْإِسْلَامُ أَنْ تَشْهَدَ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، وَتُقِيمَ الصَّلَاةَ، وَتُؤْتِيَ الزَّكَاةَ، وَتَصُومَ رَمَضَانَ، وَتَحُجَّ الْبَيْتَ إِنِ اسْتَطَعْتَ إِلَيْهِ سَبِيلًا» قَالَ: صَدَقْتَ، قَالَ: فَعَجِبْنَا لَهُ، يَسْأَلُهُ وَيُصَدِّقُهُ، قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنِ الْإِيمَانِ، قَالَ: «أَنْ تُؤْمِنَ بِاللهِ، وَمَلَائِكَتِهِ، وَكُتُبِهِ، وَرُسُلِهِ، وَالْيَوْمِ الْآخِرِ، وَتُؤْمِنَ بِالْقَدَرِ خَيْرِهِ وَشَرِّهِ» قَالَ: صَدَقْتَ، قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنِ الْإِحْسَانِ، قَالَ: «أَنْ تَعْبُدَ اللهَ كَأَنَّكَ تَرَاهُ، فَإِنْ لَمْ تَكُنْ تَرَاهُ فَإِنَّهُ يَرَاكَ» قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنِ السَّاعَةِ، قَالَ: «مَا الْمَسْؤُولُ عَنْهَا بِأَعْلَمَ مِنَ السَّائِلِ» قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ أَمَارَتِهَا، قَالَ: «أَنْ تَلِدَ الْأَمَةُ رَبَّتَهَا، وَأَنْ تَرَى الْحُفَاةَ الْعُرَاةَ الْعَالَةَ رِعَاءَ الشَّاءِ يَتَطَاوَلُونَ فِي الْبُنْيَانِ» قَالَ: ثُمَّ انْطَلَقَ، فَلَبِثْتُ مَلِيًّا ثُمَّ قَالَ لِي: «يَا عُمَرُ، أَتَدْرِي مَنِ السَّائِلُ؟» قُلْتُ: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «فَإِنَّهُ جِبْرِيلُ، أَتَاكُمْ يُعَلِّمُكُمْ دِينَكُمْ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 8]
المزيــد ...

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri:
Maalin anagoo Rasuulka Ilaahay scw la fadhina ayaa waxaa nagu soo baxay nin dharkiisu aad u cad yahay, timihiisuna aad u madow yihiin, raad safarna uusan ka muuqan, qof naga midana aanu garanayn, ilaa uu la fariistay Nabiga, oo jilbihiisa ku tiiriyey jilbaha Nabiga scw oo uu saaray labadiisa calaacalood labada bawdo ee Nabiga scw, wuxuuna yiri: Maxamadow, iiga waran Islaamka, wuxuu ku yiri: " Islaamku waa inaad qirto in Ilaahay maahee inuusan jirin Ilaah kaloo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, oo aad salaada oogtid, sakadana bixisid, ramadaankana soontid, oo aad xajkana gudatid hadaad awoodo " wuxuu yiri: run ayaad sheegtay, Cumar wuxuu yiri: waan la yaabnay wuu waydiinayaa, wuuna u rumanayaa, wuxuu ku yiri iiga waran iimaanka, wuxuu yiri: "waa inaad rumayso Ilaahay, malaa'iigtiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta qiyaamah, qadarka Ilaahay khayrkiisa iyo sharkiisaba " wuxuu yiri: run baad sheegtay, wuxuu yiri: iiga waran ixsaanka, wuxuu yiri: "waa inaad Ilaahay u caabudo sidii adoo arkaya, hadaadan arkayn isagaa ku arkaaya " wuxuu yiri: iiga waran saacada qiyaame, wuxuu yiri: "maaha midka la waydiiyey mid uga aqoon badan ka waydiiyey " wuxuu yiri: ii sheeg calaamadaheeda, wuxuu yiri "waa inay dhasho adoontu sayidadeeda, oo aad aragto kuwii cagaha cadaa, ee cayrta ahaa, oo ari raaca ahaa oo ku tartamaya guryo dhisid " wuxuu yiri Cumar: wuu tagay, cabaar ayaan sii joogay, wuxuu igu yiri Rasuulka Ilaahay scw "Cumarow, ma garanaysay kan wax i waydiinayey? " waxaan iri: Ilaahay iyo rasuulkiisaa iga og, wuxuu yiri: "malakul Jibriil buu ahaa, wuxuuna u yimid inuu diintiina idin baro ".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 8]

Sharraxaad

Cumar Binu Khaddaab wuxuu sheeegay in malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaate wuu ugu yimid asaxaabta isagoo u eg nin aanay garanayn, sifooyinkiisana waxaa ka mida in dharkiisu aad u cadaa, timihiisuna aad u madoobayeen, wax raad safar ahina aanu ka muuqan, sida daal, boor, timo basaas iyo dhar wasakha, dadka meesha joogna aanay aqoon, oo Nabiga scw ay la fadhiyaan, wuxuu soo fariistay Nabiga scw hortiisa, sidii qof wax baranaya oo kale, wuxuu waydiiyey Islaamka, wuxuuna ugu jawaabay Nabigu scw Arkaantaas ka kooban qirida labada shahaado, ilaalinta salaadaha shanta ah, sakada oo la siiyo kuwa xaq u leh, soonka bisha ramadaan, gudashada xajka qofkii awooda.
Wuxuu yiri ninkii su'aasha waydiiyey Nabiga scw: "run baad sheegtay ", way la yaabeen asaxaabtu su'aashiisa la moodo inuusan aqoon lahayn sida muuqata, ka dibna uu u rumaynaayo.
Ka dib wuxuu waydiiyey iimaanka, Nabigu scw wuxuu ugu jawaabay: arkaanta lixda ah ee ka kooban rumaynta jiritaanka Ilaahay, sifooyinkiisa, ficilkiisa oo uu kali la yahay sida abuurada, cibaadadiisa oo uu kali la yahay, iyo malaa'igta uu Ilaahay nuur ka abuuray oo ay yihiin adoomo Ilaahay maamuusay oo aan Ilaahay ku caasin, oo amarkiisa ku shaqeeya, iyo rumaynta kutubta Ilaahay ku soo dajiyey rusushiisa, sida Qur'aanka, Tawreed, Injiil, iyo qayrkood, iyo Rususha gaarsiinaysa Ilaahay diintiisa, waxaa ka mida Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise, waxaa u danbeeyey Maxamed scw, iyo Nabiyo iyo rusul kale, iyo rumaynta maalinta qiyaamaha, waxaana soo galaya waxa geerida ka dambeeya ee ah qabriga iyo nolosha barsakha, iyo in dadka la soo saari doono geerida ka dib, lana xisaabin doono, oo uu ku dambayn doono Janada ama Naarta, iyo rumaynta inuu Ilaahay qadaray wax kasta sida Ilaahay cilmigiisa ku horaysay oo ay keenayso xikmadiisu iyo qoridiisu oo isagu doonay, iyo in wax walba u dhici doonaan sida Ilaahay u qadaray oo uu u abuurayo Ka dib wuxuu waydiiyey ixsaanka, wuxuu u sheegay: inuu ixsaanku yahay qofka oo u caabuda Ilaahay sida inuu u jeedo, hadii qofka iimaankiisu uusan darajadaas gaarin ha u caabudo sidii in Ilaahay eegaayo, waayo waxaa horeeya darajada eegista ah oo saraysa, tan kalena waa darajada muraaqabada.
Ka dib wuxuu waydiiyey saacadu waa goorma? Nabigu scw wuxuu u cadeeyey in saacada ogaanteedu ay ka mid tahay waxa Ilaahay kaligi og yahay oo cid khalqiga ka midihi aysan ogayn kan la waydiiyey iyo kan waydiinayaba ma oga.
Ka dib wuxuu waydiiyey calaamadaha saacada? wuxuuna cadeeyey Nabigu scw inay calaamadaha saacada ka mid tahay badashada dumarka adoomada ah iyo caruurtooda, ama curuurta oo hooyadood caasi ku noqda, waxayna ula dhaqmaan sida adoomada, iyo kuwa ari raaca ah iyo kuwa saboolka ah waxaa loo waasicin aduunyada, aakhiru samaanka, markaas ayey iskugu faanayaan qurxinta guryaha iyo dhisidooda.
Ka dib wuxuu Nabigu scw wuxuu u sheegay intii la fadhiday oo Cumar ka mid ahaa inuu kan su'aalaha la yimid ahaa Malaku Jibriil oo u yimid inuu asaxaabta diintaan xaniifka ah baro.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. waa akhlaaqda wanaagsan ee Nabigu scw, wuxuu la fariisanayey asaxaabtiisa iyaguna way la fariisanaayeen.
  2. Waxaa la jideeyey in loo naxariisto qofka wax waydiinaya oo la soo dhaweeyo, si uu wax u waydiiyo isagoo ciriiri iyo cabsi dareemayn.
  3. Edebta lagula dhaqmo macalinka waa sida malakul Jibriil cs sameeyey oo kale, isagoo fariistay Nabiga scw hortiisa fadhi edabi ku jirto , si uu cilmi uga barto.
  4. Arkaanta Islaamku waa shan, arkaanta iimaankana waa lix.
  5. Marka ay kulmaan Islaamka iyo Iimaanku, Islaamka waxaa lagu fasiraa arimaha muuqda, Iimaankana arimaha qarsoon.
  6. Waxaa la cadeeyey in diinta islaamku tahay darajooyin kala tagsan, darajada 1aad: waa Islaamka, tan 2aad: waa Iimaanka, tan 3aad: waa ixsaanka isagaana ugu sareeya.
  7. Asal ahaan qofka wax waydiinaya waa inuusan aqoon lahayn, waxaana ku bixinaaya inuu wax waydiiyo waa jahliga, sidaa darteed bay asaxaabtu ula yaabeen su'aashiisa iyo u rumayntiisa.
  8. Waxaa lagu bilaabaa shayba shayguu ka muhiimsan yahay: waayo wuxuu ku bilaabay labada shahaado markuu Islaamka sharxayey, wuxuu kaloo ku bilaabay in Ilaahay la rumeeyo markuu sharxaayey Iimaanka.
  9. waxaa la waydiiyaa Ahlu cilmiga wax uusan qofku Jaahil ka yahay si qayrki u barto.
  10. saacada oo la ogaado waa cilmiga Ilaahay kaligi og yahay.
Noocyada