عن أبي موسى رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إِنَّ اللهَ لَيُمْلِي لِلظَّالِمِ، حَتَّى إِذَا أَخَذَهُ لَمْ يُفْلِتْهُ» قَالَ: ثُمَّ قَرَأَ: «{وَكَذَلِكَ أَخْذُ رَبِّكَ إِذَا أَخَذَ الْقُرَى وَهِيَ ظَالِمَةٌ إِنَّ أَخْذَهُ أَلِيمٌ شَدِيدٌ}[هود: 102]»
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 4686]
المزيــد ...
Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Ilaahay waa u kaadiyaa Daalimka markuu qabtase ma siidaayo", wuxuu yiri: ka dibna wuxuu akhriyey: "waa sidaa uun markuu Rabigaa qabto Magaalooyin dulmi falay, Rabigaa qabashadiisu waa mid aad u daran" [huud:102]).
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 4686]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa in lagu dhegenaado oo lagu socdo Dulmiga sida Macsida iyo Shirkiga, oo laga Dulmiyo dadka xaqooda, Ilaahay Koreeyee, wuu u kaadiyaa Qofka Daalimka ah cimrigana wuu u dheereeyaa, Maalkiisana wuu u daayaa oo ciqaabta kuma dedejiyo, haduu towbo keeni waayose wuu qabtaa oo masiidaayo umana dhaafo Dulmigiisii badan awgeed.
Ka dibna wuxuu akhriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Waa sidaa qabashada Rabigaa markuu qabto Magaalooyin Dulmi falay, Ilaahay qabashadiisu waa mid oo aad u daran" [huud:102].