+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه: أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«يَنْزِلُ رَبُّنَا تَبَارَكَ وَتَعَالَى كُلَّ لَيْلَةٍ إِلَى السَّمَاءِ الدُّنْيَا حِينَ يَبْقَى ثُلُثُ اللَّيْلِ الْآخِرُ، يَقُولُ: «مَنْ يَدْعُونِي فَأَسْتَجِيبَ لَهُ؟ مَنْ يَسْأَلُنِي فَأُعْطِيَهُ؟ مَنْ يَسْتَغْفِرُنِي فَأَغْفِرَ لَهُ؟».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 1145]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa, Isagoo dhahaya: "yaa i baryaaya oo aan u ka ajiibaa? yaa wax i waydiisanaya oo siiyaa? yaa dambi dhaaf i waydiisanaya oo aan u dambi dhaafaa?".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 1145]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay wayne u soo dego samada dhow habeen walba, marka ay ka hadho habeenka seddex meelood meesha u dambaysa, wuxuuna jeclaysiiyaa Adoomadiisa inay baryaan, wuuna ka ajiiba cidii barida, wuxuu ku booriyey inay waydiistaan waxay rabaan, isaguna wuu siiyaa cidii waydiisata, wuxuuna ugu yeedhaa inay Ilaahay dambi dhaaf way diistaan, Isagaa u dambi dhaafa Adoomadiisa Mu'uminiinta ah.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan fadliga uu leeyahay Habeenka suluska dambe, iyo in la tukado Salaad, oo la ducaysto iyo in danbi dhaaf la waydiisto waqtigaas.
  2. Waxaa la gudboon Qofku markuu xadiiskan maqlo inuu ahaado mid aad ugu dadaala ka faa'iidaysiga saacadaha ducada la aqbalo.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.