+ -

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الخُدْرِيَّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ -وَكَانَ غَزَا مَعَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ثِنْتَيْ عَشْرَةَ غَزْوَةً- قَالَ: سَمِعْتُ أَرْبَعًا مِنَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَأَعْجَبْنَنِي، قَالَ:
«لاَ تُسَافِرِ المَرْأَةُ مَسِيرَةَ يَوْمَيْنِ إِلَّا وَمَعَهَا زَوْجُهَا أَوْ ذُو مَحْرَمٍ، وَلاَ صَوْمَ فِي يَوْمَيْنِ: الفِطْرِ وَالأَضْحَى، وَلاَ صَلاَةَ بَعْدَ الصُّبْحِ حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ، وَلاَ بَعْدَ العَصْرِ حَتَّى تَغْرُبَ، وَلاَ تُشَدُّ الرِّحَالُ إِلَّا إِلَى ثَلاَثَةِ مَسَاجِدَ: مَسْجِدِ الحَرَامِ، وَمَسْجِدِ الأَقْصَى، وَمَسْجِدِي هَذَا».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 1995]
المزيــد ...

Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu la duulay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee laba iyo toban duulaan -wuxuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka maqlay afar aan jeclaaday, wuxuu yiri:
"Haweenaydu uma safari karto meel loo socdo habeen iyo maalin hadii aanu la socon ninkeedu ama nin Maxramkeeda, mana soomayso labada Maalmood ee Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxa, Salaada Subaxa ka dibna Salaad lama ogola ilaa Qoraxdu soo baxdo, Salaada Casarna ka dibna lama ogola Salaad ilaa ay Qoraxdu dhacdo, seddex Masaajid waxan ahayna looma safri karo: Masjidka Xaramka, Masjidka Alaqsaa, Masjidkayga kan ah."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 1995]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay afar arimood:
Mida 1aad: Haweenayda oo looma ogola inay safarto meel labo Maalin loo socdo iyadoo aanay la socon ninkeeda ama nin Maxaarimteeda ka mida ee ka mida Qaraabadeda aanay waligood is guursan karin, sida Wiilkeeda, Aabeheed, Wiilka walaalkeed dhalay, Wiilka Walaasheed dhashay, Adeerkeed, Abtigeed, iyo inta la midka ah.
mida 2aad: waxaa la reebay soonka Malinta Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxa, waa isku mid haduu Muslimku u soomo nidar ama Suno ama kafaara gud.
mida 3aad: la ma tukan karo Salaado Suno ah Salaada Casar ka dib ilaa ay Qoraxdu dhacdo, marka Fajarku soo boxo ka dibna la ma tukan karo ilaa ay soo baxdo Qoraxdu.
Mida 4aad: looma safri karo meel dhulka ka mida oo la aaminsan yahay inay fadli gaara dheer tahay meelaha kale oo ajarkeeda la laalaabayo, oo aan ahayn sedexda masaajid, oo meel aan iyaga ahayn Salaad looguma safri karo: Masjidka Xaramka, Masjidka Nabiga, Masjidka Alaqsaa.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Haweenayda uma banaana inay safarto Maxram la'aan.
  2. Safarka Haweenaydu Maxram uma noqon karto Haweenay kale, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "ninkeeda ama mid Maxram u ah."
  3. Socod kasta oo safar loo yaqaan Haweenayda waa ka xaaraan hadaanu la socon ninkeedu ama Maxram kale oo Rag ah, xadiiskanina wuxuu ahaanayaa kolba duruufta Qofka su'aasha leh iyo dalka uu ku nool yahay.
  4. Maxramka Gabadhu waa ninkeeda iyo nin walba oo Qaraabada aanay waligood is guursan karin ah, sida Aabbaha, Wiilkeeda, Adeerka, Abtiga, ama dhinaca Nuugmada, sida Aabbaha Nuugmada, Adeerka Nuugmada, ama Xididnimo, sida ninkeeda Aabihi, marwalbana Maxramku waa inuu ahaado Mslim, qaan gaar ah , caqligiisu dhan yahay, Aamin lagu kalsoon yahay, ujeedada Maxramku waa inuu ilaalin karo Gabadha oo masuuli ka noqon karo.
  5. Shareecada Islaamku way maamustay Haweenka, oo ilaalisay oo xushmaysay.
  6. Salaada Sunaha ah ee aan sabab lahay ma ansaxayso Salaada Fajarka iyo Casarka ka dib, waxaa laga soo reebay oo la tukanayaa Salaadaha qadaha ah ee faralka ah ee Qofka dhaafay, iyo Sunaha sababta leh, sida taxiyatul Masjidka iyo wixii la mida.
  7. Waa la xarimay Salaada marka Qoraxdu toos u soo baxayso ka dib, balse waa inay kor u soo kacdo ilaa wax le`eg Waran oo kale, oo u dhaw toban daqiiqo ilaa rubuc saac.
  8. Waqtida Salaada Casarku waa ilaa Qorax dhaca.
  9. Xaddiiska waxaa ku sugan inay banaan tahay in seddexdaa Masaajid loo safri karo.
  10. Xaddiiska waxaa ku sugan fadliga ay leeyihiin seddexdaa Masaajid, oo ay inta kale dheer yihiin.
  11. Ma banaana in loo safro siyaaro Qubuur, haba ahaado Qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Qofkiise Madiina jooga ama u yimaada ujeedo mashruuc kale way u banaan tahay booqashada Qabriga Nabiga.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.