عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«الدُّنْيَا مَتَاعٌ، وَخَيْرُ مَتَاعِ الدُّنْيَا الْمَرْأَةُ الصَّالِحَةُ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 1467]
المزيــد ...

Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
Aduunyadu waa raaxo, raaxada Aduuna waxaa u khayr badan Gabar saalixad ah.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 1467]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Aduunyada iyo waxa dhex yaalaba ay yihiin wax waqti kooban lagu raaxaysto, ka dibna tagaya, raaxada Aduun waxaa ugu fiican xaas saalixad ah, taasoo markuu ninkeedu eego farxad gelisa, markuu wax farana adeecda, markuu ka maqnaadana nafteeda iyo maalkiisaba ilaalisa.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa banaan ku raaxaysiga wax yaabaha wanaagsan ee Ilaahay u xalaaleeyey Adoomadiisa iyadoon la israafayn ama riyo beenaad laga dhigin.
  2. Waxaa la isku booriyey xulashada xaas wanaagsan, waayo waxay ninkeeda ku caawinaysaa inuu Rabigi caabudo.
  3. Raaxada Aduunka waxaa ugu khayr badan wixii cibaadada Ilaahay la xiriira ama wixii cibaadada ku kaalmeeya.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (63)