+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي لله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«لَا يَفْرَكْ مُؤْمِنٌ مُؤْمِنَةً، إِنْ كَرِهَ مِنْهَا خُلُقًا رَضِيَ مِنْهَا آخَرَ» أَوْ قَالَ: «غَيْرَهُ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 1469]
المزيــد ...

Abii Hureyra -Allah ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri:
" Nin mu'umin ahi gabar mu'uminad ah yaanu dhaqan ku nicin, haduu dhaqan xumo ku dhibsado wuxuu ka helaayaa dhaqan kale oo uu ku jeclaado" ama waxaa yiri: " qayrki".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 1469]

Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu ninku xaaskiisa u caroodo caro gaarsiin karta inuu dulmiyo oo uu ka tago oo dhabarka u jeediyo: waayo dadka waxaa lagu abuuray nuqsaan, haduu dhaqan xun ku arko wuxuu ka helayaa dhaqan kaloo fiican, wuxuu kaga raali ahaanayaa dhaqanka fiican ee kuu ku waafaqsan yahay, wuuna ku sabrayaa wixii dhaqan xun ah ee uusan kaga raali ahayn, taasina waxay ka dhigaysaa inuu ku sabro oo uusan ku nicin nicitaan ku kalifa inuu isaga tago.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa loogu yeerayaa mu'uminka cadaalad iyo in caqligu shaqeeyo khilaaf walba oo soo kala dhex gala isaga iyo xaaskiisa, waana inuusan u leexan in caadifada iyo xanaaqa ku meel gaarka ahi shaqeeyaan.
  2. Mu'uminka xaalkiisu waa inuusan u xanaaqin Muminad xanaaq kaamil ah oo ku kalifa inuu isaga tago, balse waxaa haboon waxa uu ku dhibsanaayo inuu ku ilaawo waxaa uu ku jecel yahay.
  3. Waxaa lagu boorinayaa labada is qabta inay sifiican isu dhaqdaan oo si wanaagsan u wada noolaadaan.
  4. Iimaanku wuxuu keenaa akhlaaqda wanaagsan, ninka mu'uminka ah iyo gabadha mu'uminada ahi kama marnaan karaan akhlaaq wanaagsan, waayo iimaanka ayaa keenaya in labadoodu yeeshaan sifooyin wanaagsan.