+ -

عَنِ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ:
حَفِظْتُ مِنَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَشْرَ رَكَعَاتٍ: رَكْعَتَيْنِ قَبْلَ الظُّهْرِ، وَرَكْعَتَيْنِ بَعْدَهَا، وَرَكْعَتَيْنِ بَعْدَ المَغْرِبِ فِي بَيْتِهِ، وَرَكْعَتَيْنِ بَعْدَ العِشَاءِ فِي بَيْتِهِ، وَرَكْعَتَيْنِ قَبْلَ صَلاَةِ الصُّبْحِ، وَكَانَتْ سَاعَةً لاَ يُدْخَلُ عَلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِيهَا، حَدَّثَتْنِي حَفْصَةُ أَنَّهُ كَانَ إِذَا أَذَّنَ المُؤَذِّنُ وَطَلَعَ الفَجْرُ صَلَّى رَكْعَتَيْنِ، وَفِي لَفْظٍ: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يُصَلِّي بَعْدَ الْجُمُعَةِ رَكْعَتَيْنِ.

[صحيح] - [متفق عليه بجميع رواياته]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri:
Waxaan Nabiga ka xafiday-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- toban rakcadood: labo duhurka ka horaysa, labo ka dambaysa, labo maqribka ka dambaysa oo gurigiisa uu ku tukan jiray, labo ka dambeeya cishaha oo gurigiisa ku tukan jiray, labo subaxa ka horeeya, waxayna ahayd saacad aan loo soo galin Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, Xafsa ayaa ii sheegtay inuu ahaa marka uu mu'adinku adimo ee fajrigu soo boxo wuxuu tukan jiray labo rakcadood, hadalkale oo laga wariyey ayaa ahaa: wuxuu tukan jiray jumcada ka dib labo rakcadood.

Xadiis Saxiix ah. - Waa laysku waafaqay Xadiiska Riwaayadiisa dhamaan.

Sharaxaad

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye-: wuxuu cadeeyey in sunayaasha uu Nabiga scw ka xafiday ay yihiin toban rakcadood oo la dhoho sunooyinka rawaatibta ah, labo rakcadood oo duhurka ka horeeya, iyo labo rakcadood oo ka dambeeya, labo rakcadood oo maqribka ka dambeeya, oo gurigiisa uu ku tukan jiray. labo rakcadood oo cishaha ka dambeeya, oo gurigiisa uu ku tukan jiray. labo rakcadood oo fajarka ka horeeya. sidaasay ku dhan yihiin tobankii rakcadood. salaada jumcadana labo rakcadood ayuu ka daba tukan jiray.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Rawaatibtaasi waa suno, waana in la joogteeyo.
  2. sunaha in guriga lagu tukado waa sharci.