Hadaad ku tiraado Saaxiibka: Aamus, Maalinta Jumcada, iyadoo Imaamku khudbaynaayo, Laqwi baad la timid
Salaadaha ugu culus munaafiqiinta waa labada salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, hadayse ogaan lahaayeen waxa ku jira ee fadligooda ah waxay ku imaan lahaayeen gurguurasho
Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta
Qofkii habeenka Laylatul Qadarka Salaatu Layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore
wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid dhaha dikrigaan Salaad kasta dabadeeda
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq
iiga waran hadaan tukado Salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo
Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka
Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu Madaxiisa kor u soo qaadoImaamka ka hor in Ilaahay Madaxiisa ka dhigo Madax Dameer, ama uu Ilaahay Suuradiisa ka dhigo Suurad Dameer
Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa ilaa meel ku aadan garbihiisa markuu salaada xiranaayo
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyadoo calacashaydu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey Suurada Qur'aanka ah
Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga, iyo Cadaabta Naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada Masiixu Dajaal
camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado''
Waxaan balan kula galay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inaan qiro Ilaahay maahee inaan Ilaah kale uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soodiray yahay, iyo salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, iyo in la is maqalo oo la is adeeco iyo in muslim walba loo nasexeeyo
Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin
Salaadda qofku uu jamac ku tukado waxay dheer tahay Salaadda Qofku ku tukado gurigiisa , ama Suuqiisa dhowr iyo labaatan derejo
Ka warama haddii wabi marayo albaabka midkiin, oo ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, uskag maku harayaa qofkaa?
Fara caruurtiina salaadda markay gaaraan toddoba sano, kuna garaaca haday ka tagaan salaadda iyagoo toban jir ah, una kala duwa meesha ay seexanayaan
Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa nagu soo baxay, waxaanan ku niri: Rasuulka Ilaahayow, waan baranay sidaan kuu salaamaynee, sideen kuugu sallinaa?
((Salaadi kama ansixin qofka aan Akhrin suuradda faatixada)) waa qofka aan imaam ku xirnayn, qofka imaamka ku xirtay oo waqti uu faatixada ku akhriyo ka gaari waayey ma khuseeyo xaddiisku
Majiro qof muslim ah oo salaad faral ahi u soo gashay, oo wanaajiya waysadeeda, khushuuceeda, rukuuceeda, haduuse jiro waxaa loogu dhaafaa wixii dambi ahaa ee salaadaas ka horeeyey, hadaanu dambi wayn la imaan, arinkaasi waa sanadka oo dhan
Kuwa mucaqibaatka ah ee aanu khasaarin qofka akhristaa - ama ku camal falaa- salaad walba oo waajib ah gadaasheeda, saddex iyo sodon tasbiix, saddex iyo sodon taxmiid iyo afar iyo sodon takbiir
{Qofka dhaha markuu maqlo mu'adinka: Waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee oo uu kali yahay oo cid wax la wadaagta aysan jirin, Maxamedna uu yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii, waxaan raali ka ahayn inaan Ilaahay Rabi ka dhigto oo Maxamed aan ka dhigto Rasuul oo aan Islaamkana ka dhigto diin, danbigiisa waa la dhaafaa}
Qabayska maalinta jumcaha waa ku waajib nin kastoo qaan gaar ah, waana inuu cadaydo cadarna marsado haduu helo
Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda
Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto
Hadii midkiin ka shakiyo Salaadiisa, ee uu garan waayo seddex miyuu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha ku dhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah inta aanu salaama naqsan ka hor
Salaada lagu tukado Masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun Salaadood oo lagu tukaday Msaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo Masajidka Xaramka
Hadii midkiin soo galo masaajidka ha dhoho: Allahayow iifur Albaabada Naxariistaada, haduu baxayana ha dhoho: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga
Markaad tukanaysaan safafkiina toosiya, ka dibna midkiin imaam ha idiin noqdo, haduu takbiirsado takbiirsada
Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay
Dadka waxaa u tuugo xun midka Salaadiisa xadaya" wuxuu yiri: sidee ayuu u xadin Salaadiisa? wuxuu yiri: "waa mid aan dhamaystirayn Rukuuceeda iyo Sujuudeeda
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo Rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu dhihi jiray labada Sujuudood dhexdooda:"Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf
kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf