+ -

عن أَنَسَ بْنَ مَالِكٍ رضي الله عنه قال:
بينما نحن جلوس مع النبي صلى الله عليه وسلم في المسجد دخل رجل على جمل، فأناخه في المسجد ثم عقله، ثم قال لهم: أيكم محمد؟ والنبي صلى الله عليه وسلم متكئ بين ظهرانيهم، فقلنا: هذا الرجل الأبيض المتكئ. فقال له الرجل: يا ابن عبد المطلب فقال له النبي صلى الله عليه وسلم: «قد أجبتك». فقال الرجل للنبي صلى الله عليه وسلم: إني سائلك فمشدد عليك في المسألة، فلا تجد علي في نفسك؟ فقال: «سل عما بدا لك» فقال: أسألك بربك ورب من قبلك، آلله أرسلك إلى الناس كلهم؟ فقال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن نصلي الصلوات الخمس في اليوم والليلة؟ قال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن نصوم هذا الشهر من السنة؟ قال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن تأخذ هذه الصدقة من أغنيائنا فتقسمها على فقرائنا؟ فقال النبي صلى الله عليه وسلم: «اللهم نعم». فقال الرجل: آمنت بما جئت به، وأنا رسول من ورائي من قومي، وأنا ضمام بن ثعلبة أخو بني سعد بن بكر.

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Annas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Anagoo masaajidka la fadhina Nabiga scw ayaa nin riti fuushan la soo galay masjidka, wuxuu ritigii ku arumay masjidka, ka dibna masjidka ayuu ku xirtay, ka dib dadkii wuxuu ku yiri: kiineeba ah Maxamed? Nabigun scw asxaabta dhexdooda uu xusul mudan yahay, markaasaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii wuxuu Nabiga ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabigu scw wuxuu ku yiri: waan ku ajiibay. Ninkii Nabiga scw wuxuu ku yiri: waan ku waydiinayaa waana kugu adkaynayaa su'aasha ee ii dul qaado? Nabigu scw wuxuu ku yiri: waxaad rabto I waydii, wuxuu yiri: Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysay ayaan kugu dhaariye, ma Ilaahey baa kuu soo diray dadka oo dhan? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yidhi: Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku faray inaan tukano shan salaadood habeenkii iyo maalintii? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku faray inaan bil ka soono sanadka? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku faray inaan sakada ka qaadno intayada qaniga ah una qaybino intayada saboolka ah? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: waan rumeeyey waxaad la timid, ana rasuul baan u ahay kuwa iga dambeeya , aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah.

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Anas Binu Maalik Allaha ka raali Noqde wuxuu sheegay iyado asxaabtu la fadhiyaan Nabiga scw masaajidka, ayaa nin rati fuushan la soo galay oo ritigii arumay ka dibna xiray. Ka dibna wuu waydiiyey asxaabta: kiineebaa ah Maxamed? Nabiguna scw asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay , wuxun ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii Nabiga wuxuu ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabiga scw wuxu ku yiri: waan ku maqlayaaye i waydii waan kuu jawaabine. Ninkii wuxuu ku yiri Nabiga scw waan ku waydiin waana kugu adkayne ha i igu xanaaqin. macnaha: ha ii caroon oo ah i dhibsan. Nabigu wuxuu ku yiri-: i waydii waxaad rabtid. wuxuu yiri: waxaan kugu dhaariyey Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysaye, ma Ilaahey baa kuu soo diray dadka? wuxuu ku yiri: Allahayow haa, isagoo adkaynaaya runtiisa. Ninkii ayaa yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaan tukano salaadaha shanta ah maalinta iyo habeenka? waana salaadaha faralka ah, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku amray inaan ka soono bishan sanadka? waa bisha Ramadaan, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaad ka qaado sadaqada kuwayaga qaniga ah oo aad u qaybisid kuwayaga saboolka ah? waana sakada, Nabiga wuxuu ku yiri scw Allahayow haa, Damaam wuu Islaamay, wuxuuna u sheegay Nabiga scw inuu ugu yeeri doono tolkii diinta islaamka, wuuna isa sheegay inuu yahay Damaam Binu Thaclabata, oo reer banii Sacad banii Bakar ah.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa cad Nabiga scw tawaaduciisa, waayo ninku wuxuu kala garan waayey isaga iyo asxaabta.
  2. Waxaa cad Nabiga scw, akhlaaqdiisa wanaagsan iyo sida naxariista leh ee uu ugu jawaabay ninka wax waydiinayey, in si fiican loo jawaabona waxay sabab u noqonaysaa in la aqbalo dacwada.
  3. Way banaan tahay in ninka lagu sheego sifooyin sida caddaanka, casaanka, dheerida, gaabnida, iyo wixii la mida ee aan looga jeedin ceeb, haduuna dhibsanayn.
  4. way banaan tahay in gaalku masaajidka dan u soo galo.
  5. Xadiiska laguma sheegin xajka waxaana laga yaabaa inaan la waajibin waqtiguu imaanayey.
  6. Asxaabtu way ku dadaaleen inay dadka ugu yeeran dacwada, isla markuu islaamayba wuxuu ku dadaalay inuu tolki ugu yeero diinta.