+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa yiri:
"Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey qofka si ula kac ah been uga sheega hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu aakhiro ku leeyahay meel uu naarta ka fariisto, iyadoo looga abaal marinaayo beentii ka sheegay Nabiga scw.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- oo si bareera been looga sheego waxay sabab u tahay in naarta la galo.
  2. Nabiga scw oo been laga sheego la mid ma'aha been dadka kale laga sheegay, waayo waxaa ku jira fasaad wayn aduun iyo aakhiroba.
  3. Waxaa laga digayaa in la faafiyo Axaadiista inta aan la hubsan inay sax tahay in Nabiga scw ay ka sugnaatay iyo in kale.