عن المقدام بن معدِيْكَرِب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«أَلَا هَلْ عَسَى رَجُلٌ يَبْلُغُهُ الْحَدِيثُ عَنِّي وَهُوَ مُتَّكِئٌ عَلَى أَرِيكَتِهِ فَيَقُولُ: بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ كِتَابُ اللهِ، فَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَلَالًا اسْتَحْلَلْنَاهُ، وَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَرَامًا حَرَّمْنَاهُ، وَإِنَّ مَا حَرَّمَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَمَا حَرَّمَ اللهُ».
[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي وابن ماجه] - [سنن الترمذي: 2664]
المزيــد ...
Almiqdaam Binu macdi yakrib Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-:
"War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay, waxaan ka helno ee xalaal ah waan xalaashanaynaa, waxaan ka helno ee xaaraan ahna waan iska xarimeynaa, hadaba wuxuu xarimay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa sida waxa Ilaahay xarimay".
[Xadiis Saxiix ah] - [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,ibn maajah] - [Sunan At-tirmidi - 2664]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu soo dhawaaday waqti ay orondoonaan dadka qaarki iyagoo fadhiya, oo midkood ku dangiiga gogoshiisa, oo uu soo gaaro Xadiiska Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo markaas uu dhaho: waxaan ku kala baxaynaa Qur'aanka kariimka ah isagaana nagu filan, waxaan ku aragno ee xalaal ah waan ku camal falaynaa, waxaan ku aragno ee xaaraan ahna waan ka fogaanaynaa. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka dib wuxuu cadeeyey wax kastoo Nabigu xarimay ama ku reebay Sunadiisa inuu la mid yahay xugunka Ilaahay ku xarimay Kitaabkiisa, waayo Nabigu Ilaahay ayuu fariinta ka sidaa.