عَنْ ‌أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ قَالَ:
«سَيَكُونُ فِي آخِرِ أُمَّتِي أُنَاسٌ يُحَدِّثُونَكُمْ مَا لَمْ تَسْمَعُوا أَنْتُمْ وَلَا آبَاؤُكُمْ، فَإِيَّاكُمْ وَإِيَّاهُمْ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 6]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 6]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu ka soo bixi doono Ummaddiisa aakhiru samaanka dad beenta sameeya, oo dadka u sheega wax cid uga horaysay oo sheegtay ayna jirin, kuwaa soo been aan jirin u sheegi doona dadka, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ina faray inaan kuwaa ka fogaano, oo aynaan la fariisan dhagaysana warkooda, si aysan warkoodaa beenta ahi inoogu yeelan saamayn aynu iska dayn kariwayno.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku jira calaamad ka mid ah calaamadaha nabinimada, oo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, isagu ka sheegay waxa ka dhici doona Ummaddisa, siduu sheegayna noqday.
  2. Waa in laga fogaado kuwa beenta ka sheegaya Rasuulkeena iyo Diinta Islaamkaba oo aan la dhagaysan beentooda.
  3. Waxaa laga digayaa in la iska qaato xadiiska ama la faafiyo in la hubiyo inuu sax yahay oo sugan yahay mooyee.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (57)