عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ قَالَ:
«سَيَكُونُ فِي آخِرِ أُمَّتِي أُنَاسٌ يُحَدِّثُونَكُمْ مَا لَمْ تَسْمَعُوا أَنْتُمْ وَلَا آبَاؤُكُمْ، فَإِيَّاكُمْ وَإِيَّاهُمْ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 6]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 6]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu ka soo bixi doono Ummaddiisa aakhiru samaanka dad beenta sameeya, oo dadka u sheega wax cid uga horaysay oo sheegtay ayna jirin, kuwaa soo been aan jirin u sheegi doona dadka, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ina faray inaan kuwaa ka fogaano, oo aynaan la fariisan dhagaysana warkooda, si aysan warkoodaa beenta ahi inoogu yeelan saamayn aynu iska dayn kariwayno.