عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما أن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«بَلِّغُوا عَنِّي وَلَوْ آيَةً، وَحَدِّثُوا عَنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ وَلَا حَرَجَ، وَمَنْ كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 3461]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Camar waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 3461]
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu amrayaa in cilmiga Kitaabka iyo Sunada laga gaar siiyo dadka, in yarba ha ahaadee sida Aayad Quraana ama hal Xadiis, waxaana shardi ah inuu yaqaan wuxuu gaarsiinaayo oo uu dadka ugu yeerayo. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaan dhib ku jirin ka sheekaynta reer Banii Israa'iil wixii ku dhacay ee ay soo mareen waase wixii aan Diinteena ka hor imaaneyn. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee ka dib wuxuu ka digay Qofkii si kas ah ugu been abuurta inuu Naarta ka diyaarsado Guri.