+ -

عن العِرْباضِ بن ساريةَ رضي الله عنه قال:
قام فينا رسول الله صلى الله عليه وسلم ذات يوم، فوَعَظَنا مَوعظةً بليغةً وَجِلتْ منها القلوبُ، وذَرَفتْ منها العيونُ، فقيل: يا رسول الله، وعظتَنَا موعظةَ مُودِّعٍ فاعهد إلينا بعهد. فقال: «عليكم بتقوى الله، والسمع والطاعة، وإن عبدًا حبشيًّا، وسترون من بعدي اختلافًا شديدًا، فعليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين المهديين، عَضُّوا عليها بالنواجِذ، وإياكم والأمور المحدثات، فإن كل بدعة ضلالة».

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي وابن ماجه وأحمد]
المزيــد ...

Cirbaad Binu Saariyah- Allaha -Ilaahay ka raali ahaadee- wuxuu yiri:
Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey, wacdi xeel dheer oo quluubteenu cabsatay, indhahayaguna ilmeeyeen, waxaana lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow waxaad na wacdiday wacdi sagootin ah ee noo samee balan qaad, wuxuu ku yiri: " waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay adoon xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa sunadayda iyo sunada khulafaa'u raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-, gaws dambeedka ku qabsada, waxaanan idiinka digayaa wax kastoo diinta lagu soo daro, bidco kastaana waa baadi ".

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Abuu Daa'uud.

Sharaxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu wacdiyey asaxaabtiisa wacdi xeel dheer, taasoy quluubta cabsi gelisay, indhuhuna la ilmeeyeen. Waxay dheheen -asaxaabtu-Rasuulka Ilaahayow, waxay u eg tahay waano sagootin ah, waa markay arkeen siduu ugu xeel dheeraaday Nabigu- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waanada, waxay way diisteen dardaaran ay qabasdaan gadaashiisa. Wuxuu ku yiri: waxaan idiin dardaarmayaa Ilaahay cabsidi, idinkoo la imaanaya waajibaadka , kana tagaya wixii la xarimay. iyo inaad maqashaan oo adeecdaan madaxdiina, xataa haduu madax idiin noqdo adoon ama uu xoog idinku qabsado, yacni, haduu madax idiin noqdo dadka kan ugu liita ha nicina ee adeeca, iyadoo laga baqayo fitan, qofkii idinka mida ee noolaada wuxuu arki doonaa khilaaf badan. Ka dib wuxuu u sheegay sida looga bixi karo khilaafkaas, taaso ah in la qabsado sunada Nibiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo sunada khulafad Raashidiinta ah ee mahdiyiinta ah ee isaga ka dambeeya, kuwaasoo ah: Abii Bakar Asidiiq, Cumar Binu Khaddaab, Cusmaan Binu Cafaan, Cali Binu Abii Daalib,-Allah ka raali ahaado dhamaantoode-, hadalka Rasuulka ee ah: "caduu calayhaa bina-waajidi" waa gawsaha danbe, oo uu uga jeedo in sunada la qabsado oo lagu taagnaado. Wuxuu uga digay wax kastoo diinta lagu soodaro oo bidca ah, waayo bidco walba waa baadi.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa muhiim in sunada laqabsado oo la raaco.
  2. Waa in la ilaaliyo wacdiga iyo qalbiga jiclcintiisa.
  3. Waa la amray in la raaco khulafada raashidiinta ah ee mahdiyiinta ah ee afarta ah ee Nabiga scw ka danbeeya, kuwaasoo ah: Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan, Cali-Allaha ka raali ahaadee-.
  4. Waa la diiday in diinta bidco lagu soo daro, bidco kastana waa lumid.
  5. Waa in la maqlo oo la adeeco cida Muuminiinta madax u noqota, iyadoon macsi lagu raacayn.
  6. Ahmiyad ayey leedahay in Ilaahay casa wajala laga baqao waqti walba iyo xaalad walba.
  7. khilaafku wuu ka dhacayaa ummaddaan, hadii uu dhacana waa waajib in loo laabto Sunada Rasuulka scw iyo tii Khulafada Raashidiinta ah.