+ -

عَنْ ‌أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ:
أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ افْتَقَدَ ثَابِتَ بْنَ قَيْسٍ، فَقَالَ رَجُلٌ: يَا رَسُولَ اللهِ، أَنَا أَعْلَمُ لَكَ عِلْمَهُ، فَأَتَاهُ فَوَجَدَهُ جَالِسًا فِي بَيْتِهِ، مُنَكِّسًا رَأْسَهُ، فَقَالَ: مَا شَأْنُكَ؟ فَقَالَ شَرٌّ، كَانَ يَرْفَعُ صَوْتَهُ فَوْقَ صَوْتِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَدْ حَبِطَ عَمَلُهُ، وَهُوَ مِنْ أَهْلِ النَّارِ، فَأَتَى الرَّجُلُ فَأَخْبَرَهُ أَنَّهُ قَالَ كَذَا وَكَذَا، فَرَجَعَ الْمَرَّةَ الْآخِرَةَ بِبِشَارَةٍ عَظِيمَةٍ، فَقَالَ: «اذْهَبْ إِلَيْهِ فَقُلْ لَهُ: إِنَّكَ لَسْتَ مِنْ أَهْلِ النَّارِ، وَلَكِنْ مِنْ أَهْلِ الْجَنَّةِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Anas Binu Maalik Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga scw wuxuu waayey Thaabit Binu Qays, nin ayaa yiri: Rasuul Allow, anaa warkiisa ku soo ogaysiin, wuu u tagay isagoo gurigiisa fadhiya, oo hoos eegaya, wuxuu ku yiri: maxaa ku helay?, wuuxuu yiri: waa shar, codkiisa ayuu codka Nabiga scw ka dulmarin jiray oo camalkiisii waa buray, wuxuun ka mid yahay halu naarka, ninkii Nabiguu scw u yimid oo u sheegay inuu caynkaa iyo caynkaa yiri, mar labaad ayuu ku soo noqday isagoo bishaaro wayn u wada, wuxuuna ku yiri: " u tag isaga waxaadna ku tiraahdaa ka mid maahid ahlu naarka, ee waxaad ka mid tahay ahlu Janada.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu waayey Thaabit Binu Qays-Allaha ka raali noqde-, markaasuu waydiiyey, nin baa yiri: anaa kuu soo helaaya warkiisa iyo sababta uu la maqan yahay wuu aaday, wuxuu helay isagoo murugaysan, oo hoos egaaya, oo gurigiisa jooga , wuu waydiiyey: maxaa ku helay? Thaabit wuxuu u sheegay: inuu shar ku sugan yahay, waayo wuxuu hadalkiisa kor uga dhigi jiray hadalka Nabiga scw, Ilaahayna qofka sidaa sameeya wuxuu ugu yaboohay in camalkiisu buraayo oo uu naarta gelaayo.
Ninkiibaa Nabiga naxariis iyo nabadi korkiiye kusoo war celiyey, warkiibuuna u warramay, Nibagaa amray ninkii inuu ku laabto Thaabit, uguna bishaareeyo inaanu aheyn kuwa naar galaya, oo uu yahay kuwa janno galaya, waayo codkiisu abuur ahaan buu u dheeraa, waxuuna ahaa khadiibka (gud biyaha warka si dadku u wada maqlaan hadalka) Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiiye-iyo khadiibka reer Ansaar.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Cadeyn Thaabit bn Qeys-Allaha ka raalli noqdee-saxaabi fadli badan oo kuwa janna galaya inuu ahaa.
  2. Nabigu scw wuxuu si wayn uga war hayey asxaabta wuuna hor meeri jiray iyaga.
  3. Asaxaabtu Allaha ka raali ahaade aad bay uga cabsan jireen oo uga baqayeen in camalkoodu buro,
  4. Waxaa waajib ah in si edeb leh loola hadlo Rasuulka scw noloshiisa, hoosna loo dhigo codkiisa marka la maqlo sunadiisa dhimashadiisa ka dib.