+ -

عَنِ ‌ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا:
أَنَّ نَاسًا مِنْ أَهْلِ الشِّرْكِ، كَانُوا قَدْ قَتَلُوا وَأَكْثَرُوا، وَزَنَوْا وَأَكْثَرُوا، فَأَتَوْا مُحَمَّدًا صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالُوا: إِنَّ الَّذِي تَقُولُ وَتَدْعُو إِلَيْهِ لَحَسَنٌ، لَوْ تُخْبِرُنَا أَنَّ لِمَا عَمِلْنَا كَفَّارَةً، فَنَزَلَ {وَالَّذِينَ لا يَدْعُونَ مَعَ اللهِ إِلَهًا آخَرَ وَلا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللهُ إِلا بِالْحَقِّ وَلا يَزْنُونَ}[الفرقان: 68]، وَنَزَلَت: {قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنْفُسِهِمْ لا تَقْنَطُوا مِنْ رَحْمَةِ اللهِ} [الزمر: 53].

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Dad ka mida mushrikiinta, ayaa dil badan gaystay, sinadana badsaday, waxayna u yimaadeen Rasuulka scw waxayna ku dheheen: waxaad sheegaysid oo aad dadka ugu yeeraysid waa wax fiican, ee noo sheeg dambiyadii aanu galay wax naga guda, markaasaa waxaa soo dagay: {kuwa aan Ilaahay cid kale la baryin ee aan dilin naf Ilaahay dilkeeda xarimay in xaq lagu dilo mooyee,ee aan sinaysan} [suuratu-furqaan:68], waxaa kaloo soo dagay:{ ku dheh Adoomadaya naftooda ku xad gudbayow, ha ka quusanina naxariista Ilaahay} [suuratu sumar:53].

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Rag mushrikiinta ka mid ah ayaa u yimid Nabiga scw waxayna gaysteen dilal badan iyo sino, waxay ku dheheen Nabiga scw: diinta aad dadka ugu yeeraysaa iyo waxa laga baranaayo waa wax fiican, laakiin ka waran muxuu yahay xaalkayagu iyo wixii aanu soo falnay ee ah, shirki iyo dambiyo waawayn, ma leeyihiin wax kafaaro gud ah?.
Waxaa soo dagay labado aayadood, taasoo Ilaahay kaga aqbalay dadka towbadii iyagoo sameeyey dambiyo badan oo waawayn, hadayna sidaas dhici lahayna waxay ku sii jiri lahaayeen gaalnimadooda iyo kibirkooda mana soo galeen diintaan.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Wanaaga Islaamka iyo waynidiisa iyo inuu tirtiraayo danbiyadii ka horeeyey.
  2. Raxmada Ilaahay waasac nimadeeda taaso uu siiyey adoomadiisa iyo u dambi dhaafka iyo cafiga uu siiyey adoomadiisa.
  3. Ilaahay wuxuu xarimay shirkiga, wuxuu kaloo xarimay in naf xaqdaro lagu dilo, wuxuu kaloo xarimay sinada, iyo goodi adag oo ku soo arooray qofkii danbiyaas gala.
  4. Towbada runta ah oo ay la jirto Ilaahay oo loo khaalis yeelo, iyo camalka saalixa ah waxaa lagu dhaafaa dhamaan dambiyada waaweyn ee gaalnimadu ku jirto.
  5. Waa la xarimay quusashada iyo in laga rajo beelo naxariista Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufane.