عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ:
قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِمُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ، حِينَ بَعَثَهُ إِلَى الْيَمَنِ: «إِنَّكَ سَتَأْتِي قَوْمًا أَهْلَ كِتَابٍ، فَإِذَا جِئْتَهُمْ فَادْعُهُمْ إِلَى أَنْ يَشْهَدُوا أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، فَإِنْ هُمْ أَطَاعُوا لَكَ بِذَلِكَ، فَأَخْبِرْهُمْ أَنَّ اللهَ قَدْ فَرَضَ عَلَيْهِمْ خَمْسَ صَلَوَاتٍ فِي كُلِّ يَوْمٍ وَلَيْلَةٍ، فَإِنْ هُمْ أَطَاعُوا لَكَ بِذَلِكَ، فَأَخْبِرْهُمْ أَنَّ اللهَ قَدْ فَرَضَ عَلَيْهِمْ صَدَقَةً تُؤْخَذُ مِنْ أَغْنِيَائِهِمْ فَتُرَدُّ عَلَى فُقَرَائِهِمْ، فَإِنْ هُمْ أَطَاعُوا لَكَ بِذَلِكَ، فَإِيَّاكَ وَكَرَائِمَ أَمْوَالِهِمْ، وَاتَّقِ دَعْوَةَ الْمَظْلُومِ، فَإِنَّهُ لَيْسَ بَيْنَهُ وَبَيْنَ اللهِ حِجَابٌ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 1496]
المزيــد ...
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo ِِِِِِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Mucaad Binu Jabal markuu u diray Yaman: (( waxaad u tagidoontaa Qolo Ahlu kitaab ah, hadaad u tagto ugu yeer inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin, Maxamedna uu yahay Rasuulkii Ilaahay, haday intaa kaa yeelaan, u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay shan Salaadood Habeen iyo Maalin walba, haday intaa kaa yeelaan u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay Sadaqo laga qaadayo intooda Maalka leh, oo lagu celinaayo intooda Saboolka ah, haday intaa kaa yeelaan, waxaan kaaga digayaa Xoolahooda kuwa ugu fiican inaad ka qaado, iskana ilaali ducada kan la dulmiyey, waayo isaga iyo Ilaahay xijaab uma dhexeeyo.
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 1496]
Nabigu nanbadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu u diray Mucaad Binu Jabal Allaha ka raali ahaade dhulka Yeman isagooDdaaci iyo Macalin ah wuxuu u cadeeyey inuu u tagi doono Qolo Nasaaro ah, si uu isugu diyaariyo, ka dibna uu dacwada ugu yeerayo ka bilaabo siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu ugu yeerayaa hagaajinta caqiidada marka koowaad, taaso ah inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudo jirin, Nabi Maxamedna yahay Rasuulkii Ilaahay. Waayo taasay Islaamka ku soo galayaan, hadii ay taas u hogaansamaan wuxuu amrayaa inay Salaada oogaan, waayo waa tan ugu wayn waajibka Towxiidka ka dib. Hadii ay oogaan Salaada wuxuu amrayaa kuwooda Xoolaha leh inay bixiyaan Sakada Xoolahooda siiyaana kuwooda saboolka ah, wuxuuna uga digay inuu ka qaado Xoolaha kuwa ugu fiican, waayo waajibku waa kan dhex dhexaadka. Ka dibna wuxuu u dardaarmay inuu ka fogaado dulmiga, si aanu kan la Dulmiyey u habaarin, waayo baryadiisa Ilaahay waa aqbalayaa.