+ -

عَن عَبدِ الله بنِ الشِّخِّير رضي الله عنه قَالَ:
انْطَلَقْتُ في وَفدِ بَنِي عَامِرٍ إِلى رَسُولِ الله صلى الله عليه وسلم، فَقُلنا: أَنتَ سيّدُنَا، فقال: «السَّيدُ اللهُ»، قُلنا: وَأَفْضَلُنا فَضْلاً، وأعظَمُنا طَوْلاً، فقال: «قُولُوا بِقَولِكُم، أَو بَعضِ قولِكُم، وَلَا يَسْتَجْرِيَنَّكُم الشَّيطَانُ».

[صحيح] - [رواه أبو داود وأحمد]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Shakhiir-Allaha karaali ahaadee- wuxuu yiri:
Waxaan u raacay wafdi reer bani Caamir ah Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxaan ku dhahanay: adaa sayid kayaga ah, wuxuu yiri -Rasuulku scw-: "sayidku waa Allaah", waxaan dhahnay: adaa noogu fadli badan, noogu deeqsisan, wuxuu yiri: "waar hadalkiina caadiga ah dhaha, oo yaanu shaydaanku idin duufsan."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Abuu Daa'uud.

Sharaxaad

Dad kooxa ayaa Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-u yimid, markay soo gaareen bay dheheen - iyaga oo Suubanaha ku amaanaya ereyo qaarkood oo uu dhibsaday-: waxayna dheheen: ..adaa sayidkayaga ah.., Nabigu scw wuxuu ku yiri: naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee: .. sayidku waa Allaah.. Isagaa sayid kaamila u ah khalqigiisa, iyaguna waa adoomadiisa. waxay dheheen: adaa ..noogu fadli badan.. nooguna sarreeya derejo, sharaf iyo martabad ahaanba. Adigaa noogu wayn, oo noogu deeqsisan oo noogu sareeya oo noogu sharaf badan. Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay- inay sidaa orane ay hadalkooda caadiga ah ay dhahaan, oo aysan isku kalifin ereyo, oo shaydaanku aanu ku riixin xad gudub iyo ku taxtaga keenaaya in lagu dhoco shirki xaaran ah iyo dariiqyada shirkiga.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- aad buu ugu waynaa quluubta asaxaabta, waxayna u hayeen ixtiraam.
  2. Waxaa la reebay in hadalka la isku kalifo oo la iska doon-doono, waxaana lagu booriyey inay dhahaan hadal dhexdhexaad ah.
  3. Tawxiidka waa in laga ilaaliyaa wixii wax u dhimaya ee hadal ah ama camal ah.
  4. Waxaa la reebay in lagu talax tago amaanta, waayo waa meelaha shaydaanku ka soo gali karo.
  5. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-waa sayidka dadka Nabi Aadam cs ka farcamay oo dhan, hadalkiisa xadiiska ku soo aroorayse waa tawaaduc, iyo cabsi uu ka qabo inay dadku ku talax tagaan amaantiisa, oo xadkiisa dhaafiyaan'.