+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«كُلُّ أُمَّتِي يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَنْ أَبَى»، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللهِ، وَمَنْ يَأْبَى؟ قَالَ: «مَنْ أَطَاعَنِي دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ عَصَانِي فَقَدْ أَبَى».

[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri:
" Ummaddayda oo dhan janaday galaysaa qofka iska diida maahee ", waxay dheheen: Rasuulka Alloow, yaa diidaya? wuxuu yiri: "qofka i adeeca janaduu galayaa, kan i caasiyana waa qof diiday-janada".

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in Ummaddiisu dhamaan janada galayso qofkii iska diida maahee!
Asaxaabtu Allaha ka raali noqdee waxay yiraahdeen yaa diidaya rasuulkii Ilaahayow.?!
Wuxuu ugu jawaabey Nabigu scw qofka u hogaansama ee raaca Rasuulka scw janaduu galayaa, qofkase aan u hogaansamin shareecada camalkiisa xun waxay ka dhigan tahay inuu diiday janada galideeda.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Rasuulku scw oo la adeeco waxay ka mid tahay Ilaahay adeecidiisa, Nabiga oo lagu caasiyona waxay ka mid tahay Ilaahay oo lagu caasiyey.
  2. Nabiga scw oo la adeeco waxay qofka u waajibinaysaa janada, in la caasiyona waxay u waajibinaysaa naarta.
  3. Waxaa loogu bishaaraynayaa kuwa Rasuulka adeecay ee ummaddaan ah, inay dhamaantood janada galayaan kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa caasiyey mooyee.
  4. Nabigu scw ummaddiisa wuu u naxariistay wuuna ku dadaalay hanuuntooda.