+ -

عَنْ أَبِي بَرْزَةَ الأَسْلَمِيِّ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«لَا تَزُولُ قَدَمَا عَبْدٍ يَوْمَ القِيَامَةِ حَتَّى يُسْأَلَ عَنْ عُمُرِهِ فِيمَا أَفْنَاهُ، وَعَنْ عِلْمِهِ فِيمَ فَعَلَ، وَعَنْ مَالِهِ مِنْ أَيْنَ اكْتَسَبَهُ وَفِيمَ أَنْفَقَهُ، وَعَنْ جِسْمِهِ فِيمَ أَبْلَاهُ».

[صحيح] - [رواه الترمذي]
المزيــد ...

Abii Barsata Alaslami-Allaha karaalli ahaadee- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu dhahay:
"Maalinta qiyaame qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo jirkiisii wuxuu ku dhameeyey".

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay At-tirmidi

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay in qofna uusan dhaafayn meesha la isku xisaabinaayo maalinta Qiyaame oo uusan aadayn Jano ama Naar ilaa la weydiiyo arimo:
Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey?
Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd?
Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya.
Mida 4aad: jirkiisii, xooggiisii, caafimaadkiisii, dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa lagu boorinayaa dadku inay uga faa'iidaystaan nolosha wax Ilaahay raalli gelinaaya.
  2. Nicmooyinka Ilaahay uu siiyey adoomadiisa way badan yihiin, wuuna weydiin doonaa nicmooyikaa maalinta qiyaamaha, sidaa darteed waxaa lagudboon qofku inuu nicmooyinkaa uga faa'iidaysto wax Ilaahay raalli gelinaaya.