عن ابن عمر رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَا زَالَ يُوصِينِي جِبْرِيلُ بِالْجَارِ، حَتَّى ظَنَنْتُ أَنَّهُ سَيُوَرِّثُهُ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6014]
المزيــد ...
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Malakul Jibriil kama uu tegin inuu Jaarka ii dardaarmayo, ilaa aan u maleeyey inay is dhaxlayaan".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6014]
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Malakul Jibriil uusan ka tagin inuu ku celceliyo oo uu amrayo Jaarka ilaalintiisa, kaasoo ah Guriga u dhaw, xataa haduu yahay Muslim, Gaal, Qaraabo, ama Shisheeye waa in la ilaaliyo xaqiisa oo aan la dhibin, waa in loo ixsaan falo oo lagu sabro dhibkiisa, ilaa uu u maleeyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu arkay sida uu u weyn yahay xaqa Jaarku oo uu ugu celcelinaayo Jibriil ayuu u maleeyey in waxyi ku soo dagi doono in la siiyo Xoolaha uu ka tagidoono markuu dhinto.