+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّهُ سَمِعَ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«أَرَأَيْتُمْ لَوْ أَنَّ نَهَرًا بِبَابِ أَحَدِكُمْ يَغْتَسِلُ فِيهِ كُلَّ يَوْمٍ خَمْسًا، مَا تَقُولُ ذَلِكَ يُبْقِي مِنْ دَرَنِهِ؟» قَالُوا: لَا يُبْقِي مِنْ دَرَنِهِ شَيْئًا، قَالَ: «فَذَلِكَ مِثْلُ الصَّلَوَاتِ الخَمْسِ، يَمْحُو اللَّهُ بِهِ الخَطَايَا».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu ka maqlay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-inuu yiri:
"Ka warama haddii wabi marayo albaabka midkiin, oo ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, uskag maku harayaa qofkaa?" waxay dheheen: wax uskag ah kuma harayo qofkaa, wuxuu yiri: "sidaa waxaa la mid ah salaadaha shanta ah, oo Ilaahay dambiyaduu ku baabi'iyaa."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku matalay shanta salaadood ee habeenka iyo maalinta la tukado sida ay u baabi'iyaan dambiyada yar-yar sida wabi qul-qulaya al-baabka qof guri, oo uu ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, qofkaas wax uskag ah ama wasakh ah kuma harayaan.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadligaasi wuxuu gaar ku yahay in lagu dhaafo danbiyada yar yar, Danbiyada waawaynse waa in laga towbad keeno.
  2. Fadliga gudashada salaadaha shanta ah ee faralka iyo in la ilaaliyo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda waa mid wayn.