عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّهُ سَمِعَ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«أَرَأَيْتُمْ لَوْ أَنَّ نَهَرًا بِبَابِ أَحَدِكُمْ يَغْتَسِلُ فِيهِ كُلَّ يَوْمٍ خَمْسًا، مَا تَقُولُ ذَلِكَ يُبْقِي مِنْ دَرَنِهِ؟» قَالُوا: لَا يُبْقِي مِنْ دَرَنِهِ شَيْئًا، قَالَ: «فَذَلِكَ مِثْلُ الصَّلَوَاتِ الخَمْسِ، يَمْحُو اللَّهُ بِهِ الخَطَايَا».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 528]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raalli ahaadee- waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Ka warama haddii wabi marayo albaabka midkiin, oo ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, uskag maku harayaa qofkaa?" waxay dheheen: wax uskag ah kuma harayo qofkaa, wuxuu yiri: "sidaa waxaa la mid ah salaadaha shanta ah, oo Ilaahay dambiyaduu ku baabi'iyaa."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 528]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku matalay shanta salaadood ee habeenka iyo maalinta la tukado sida ay u baabi'iyaan dambiyada yar-yar sida wabi qul-qulaya al-baabka qof guri, oo uu ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, qofkaas wax uskag ah ama wasakh ah kuma harayaan.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadligaasi wuxuu gaar ku yahay in lagu dhaafo danbiyada yar yar, Danbiyada waawaynse waa in laga towbad keeno.
  2. Fadliga gudashada salaadaha shanta ah ee faralka iyo in la ilaaliyo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda waa mid wayn.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (54)