+ -

عَنِ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«مَثَلُ الْمُؤْمِنِينَ فِي تَوَادِّهِمْ وَتَرَاحُمِهِمْ وَتَعَاطُفِهِمْ مَثَلُ الْجَسَدِ، إِذَا اشْتَكَى مِنْهُ عُضْوٌ تَدَاعَى لَهُ سَائِرُ الْجَسَدِ بِالسَّهَرِ وَالْحُمَّى».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Nucmaan Binu Bashiir-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu yiri:
"Mu'uminiinta ee isjacaylkooda, isku naxariisashadoodu iyo isu dhimrintoodu, waxay la mid tahay sida jirka oo kale, oo hadii xubin xanuunsato jirka kale oo dhan uu la qabayaa soo jeedka iyo xanuunka."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in muslimiinta xaalka dhexdooda ahi yahay kuwo jecel khayrka, naxariista, is caawinta iyo isu gargaarida, oo wixii dhib soo gaara uu u wada saameeyo sida jir qura, oo hadii xubin ka xanuunsato xubnaha kale ee jirku la qabayaan xanuunka iyo soo jeedkaba.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa habboon in la weyneeyo xuquuqda muslimiinta, laguna dhiirigaliyo inay iskaashadaan, oo isu naxariistaan.
  2. Waxaa habboon in dadka Ahlu iimaanka ahi is jeclaadaan oo isu gargaaran dhexdooda.