عَنِ ابْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، قَالَ:
قَالَ رَجُلٌ: يَا رَسُولَ اللهِ، أَنُؤَاخَذُ بِمَا عَمِلْنَا فِي الْجَاهِلِيَّةِ؟ قَالَ: «مَنْ أَحْسَنَ فِي الْإِسْلَامِ لَمْ يُؤَاخَذْ بِمَا عَمِلَ فِي الْجَاهِلِيَّةِ، وَمَنْ أَسَاءَ فِي الْإِسْلَامِ أُخِذَ بِالْأَوَّلِ وَالْآخِرِ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6921]
المزيــد ...
Ibnu Mascuud Allaha raali ka noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nin ayaa ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, miyaa naloo qaban wixii aanu waqtigii Jaahiliga samaynay, wuxuu yiri: Qofkii Islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu Jaahiligii sameeyey, Qofkase Islaama oo shirki la yimaada Danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin.
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6921]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey fadliga uu leeyahay Islaamka oo la soo galo. Qofka Islaama ee ay fiicnaato Islaamnimadiisu oo ahaada Qof daacada oo runlow ah, loo raacanmaayo wixii Macsi ah ee uu sameeyey Jaahiligii. Qofkase Islaamnimadiisu xumaato sida inu Munaafiq noqdo ama Diintiisa ka Ridoobo waa lagu xisaabin Macsidii uu Gaalnimadiisii sameeyey iyo tii uu sameeyey intuu Muslimay.