+ -

عن أبي سعيد الخُدْريِّ رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«‌مَنْ ‌رَأَى ‌مِنْكُمْ ‌مُنْكَرًا فَلْيُغَيِّرْهُ بِيَدِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِلِسَانِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِقَلْبِهِ، وَذَلِكَ أَضْعَفُ الْإِيمَانِ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Saciid Al-khudri Allaha ka raalli ka noqdee wuxuu yidhi: waxaan ka maqlay rasuulka Alle sallallaahu callayhi wasallam isa goo leh:
qofkii idinka mid ah ee arka xumaan gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha iimaanka ugu liidata.

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu wuxuu farayaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee tir tirida xumaha waana wax kasta oo Eebbe iyo rasuulkiisu reebeen kolba awoodda qofka muslimka ahi intay qaban kareyso. Haduu arko -muslimku-xumaan waxaa ku waajib ah inuu gacantiisa ku baabi'iyo, hadduu awooddaa leeyahay oo sameyn karo. Hadduuna awoodikarin sida, carrabkiisa ha ku tir tiro xumaantaa oo haka reebo ka xumaanta faraha kula jira, dhibaatada xumaanatana ha usheego, hana ku guubaabiyo waxa kheyrku ku jiro ee aan xumaanta aheyn. Hadduu awoodi waayo kaalintaa ha kubaddalo qalbigiisa isagoo karahsan/nacaya xumaantaa qalbigana ka go'aansanaya haddii uu awoodi lahaa inuu baabi'in lahaa. Qalbiga oo laga naco xumaanta waa derejada ugu hoosaysa derajooyinka iimaanka ee xumaanta lagu tir-tiro.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xaddiiskani waxuu sal uyahay caddaynta kaalimaha xumaanta lagu baddalo ee lagu tir-tiro.
  2. Arintu waa talen taali iyo talaabo talaabomarkey tahay ka reebida dadka xumaanta, qofkatana waxey ku xidhan tahay awoodiisa inta ay gaadh siisan tahay.
  3. Xumaha oo la reebo waa wax aad uweyn xagga diinta qofna lagama dhaafin, oo qof waloo muslim ah waxaa saaran inuu layimaaddo karaan kiisa iyo aqoontiisa.
  4. Wanaagga oo la is faro iyo xumaha oo la iska reebo waa tilmaamaha iimaanka (rumeynta Alle), iimaankuna wuu siyaadaa/kordhaa wuuna is dhimaa/naaqusaa.
  5. Waxaa loo shardiyaa in xumaha lareebo: aqoon in loo leeyahay waxa lareebayaa inuu xun yahay.
  6. Waxaa shardi u ah badalida munkarka: in aaney ka dhalaneyn munkar kaloo ka weyn.
  7. munkarka in la reebo waxay leedahay aadaab ay haboon tahay in qofka muslim ka ahi barto.
  8. munkarka in la reebo wuxuu u baahan yahay siyaasad sharciya iyo cilmi iyo aragti dheer.
  9. munkarka inaan qalbiga laga nicin waxay tusaysaa daciifnimada iimaanka.