+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قال:
جَاءَ نَاسٌ مِنْ أَصْحَابِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَسَأَلُوهُ: إِنَّا نَجِدُ فِي أَنْفُسِنَا مَا يَتَعَاظَمُ أَحَدُنَا أَنْ يَتَكَلَّمَ بِهِ، قَالَ: «وَقَدْ وَجَدْتُمُوهُ؟» قَالُوا: نَعَمْ، قَالَ: «ذَاكَ صَرِيحُ الْإِيمَانِ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Hureyra raali Allaha ka ahaade waxaa laga wariyey inuu yidhi:
Dad Asxaabtii Nabiga ka mida ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate waxayna weydiiyeen: waxaan naftayada ku arkaynaa wax inaan sheegno ay aad noola wayn tahay, wuxuu ku yidhi: ma sidaas baad isku aragteen? waxay dheheen: haa, wuxu yidhi: kaasi waa iimaan cad.

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Waxaa Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate u yimid qaar asaxaabtiisa ka mida, waxay weydiiyeen waxay naftooda ku arkeen oo arimo waa weyn ah taasoo aysan ku hadli karin xumideeda iyo iyagoo ka didaya. Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yidhi: waxaad isku aragteen waa iimaan cad iyo yaqiinta oo idinku riixaysa inaad diidaan waxa shaydaanku qalbiga ku tuurayo, iyo inaad diiddan ku hadalkeeda taaso naftiina ku wayn, oo shaydaanku uusan qalbigiina hanan, taas waxaa ka duwan qofka shaydaanku qalbigaiisa hantay kaaso aan helin qaab uu isaga difaaco.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa cad shaydaanku inuu ka diifsan yahay inuu wax yeelo dadka iimaanka leh, waayo ma awoodo was-waasintoda maahe.
  2. qofka looma ogola inuu rumeeyo ama aqbalo waswaaska nafta ku soo dhacaya kaaso shaydaanka ka imaanaya.
  3. Was waaska shaydaanku mu'uminka madhibto, laakiin waa inuu ka magan galo Ilaahay waswaaskiisa, uuna ka joogsado inuu siiwado.
  4. Ma habboona qofka muslimka ah inuu ka aamuso wixii ishkaal ah ee kaga yimaada xagga diintiisa, waxaana ku haboon inuu waydiiyo wuxuu garan waayo.