عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قال:
جَاءَ نَاسٌ مِنْ أَصْحَابِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَسَأَلُوهُ: إِنَّا نَجِدُ فِي أَنْفُسِنَا مَا يَتَعَاظَمُ أَحَدُنَا أَنْ يَتَكَلَّمَ بِهِ، قَالَ: «وَقَدْ وَجَدْتُمُوهُ؟» قَالُوا: نَعَمْ، قَالَ: «ذَاكَ صَرِيحُ الْإِيمَانِ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 132]
المزيــد ...

Abii Hureyra raali Allaha ka ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Dad Asxaabtii Nabiga ka mida ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna waydiiyeen: waxaan Naftayada ku arkaynaa wax inaan sheegno ay aad noola wayn tahay, wuxuu ku yiri: ma sidaas baad isku aragteen? waxay dheheen: haa, wuxu yiri: kaasi waa iimaan cad.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 132]

Sharraxaad

Waxaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid qaar Asaxaabtiisa ka mida, waxay waydiiyeen waxay naftooda ku arkeen oo arimo waa weyn ah taasoo aysan ku hadli karin xumideeda iyo iyagoo ka didaya awgeed. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: waxaad isku aragteen waa iimaan cad iyo yaqiinta oo idinku riixaysa inaad diidaan waxa shaydaanku qalbiga ku tuurayo, iyo inaad diiddan ku hadalkeeda taaso naftiina ku wayn, oo shaydaanku uusan qalbigiina hanan, taas waxaa ka duwan qofka shaydaanku qalbigaiisa hantay kaaso aan helin qaab uu isaga difaaco.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa cad shaydaanku inuu ka daciifsan yahay inuu wax yeelo dadka iimaanka leh, waayo ma awoodo was-waasin maahe.
  2. Waa inaan la rumayn oo la aqbalin waswaaska Nafta ku soo dhacaya waayo wuxuu ka imaanayaa shaydaanka.
  3. Was waaska shaydaanku mu'minka ma dhibo, laakiin waa inuu ka magan galo Ilaahay waswaaskiisa, uuna ka joogsado inuu siiwado.
  4. Ma haboona qofka muslimka ah inuu ka aamuso wixii ishkaal ah ee kaga yimaada xaga diintiisa, waxaana ku haboon inuu waydiiyo wuxuu garan waayo.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (65)