عن ابن عباس رضي الله عنهما قال:
جاءَ رجُلُ إلى النبي صلى الله عليه وسلم فقال: يا رسولَ اللهِ، إن أحدنا يجدُ في نفسِهِ -يُعرِّضُ بالشَّيءِ- لأَن يكونَ حُمَمَةً أحَبُّ إليه من أن يتكلَّم بِهِ، فقال: «اللهُ أكبرُ، اللهُ أكبرُ، الحمدُ لله الذي ردَّ كيدَه إلى الوسوسَةِ».
[صحيح] - [رواه أبو داود والنسائي في الكبرى]
المزيــد ...
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiise waxaa laga wariyey inuu yidhi:
Nin ayaa Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate u yimid, wuxuuna yidhi: Rasuulka Alloow naftayada waxaa ku soo dhacaya wax shaki ah oo inaan ku hadalo aan ka jecel nahay in nala gubo wuxuu yidhi-Rasuulku Allaahu Akbar Allaahu Akbar, Allaha dhagarta shaydaanka ku koobay waswaas ayaa mahad leh.
Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Abuu Daa'uud.
Nin ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuuna yidhi: Rasuulka Alloow, qof walba oo naga mida naftiisa waxaa ku soo dhaca arin, in lagu hadlo ay wayn tahay, ilaa xad ku hadalkiisa aan ka jecel nahay inaan danbas noqono. Rasuulku naxariis iyo nabadi korkiisa ha haate wuu takbiirsaday laba jeer wuxuuna Ilaahay kaga xamdi naqay in dhagarta shaydaanka Ilaahay ku koobay waswaas keliya.