+ -

عَن أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«يَأْتِي الشَّيْطَانُ أَحَدَكُمْ فَيَقُولُ: مَنْ خَلَقَ كَذَا؟ مَنْ خَلَقَ كَذَا؟ حَتَّى يَقُولَ: مَنْ خَلَقَ رَبَّكَ؟ فَإِذَا بَلَغَهُ فَلْيَسْتَعِذْ بِاللهِ وَلْيَنْتَهِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 3276]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 3276]

Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay daawada ugu fiican ee su`aalaha uu ku waswaasiyo sheydaanku Muuminka. Sheydaanku wuxuu oran: yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? yaa abuuray Samada? yaa abuuray Dhulka? Muuminku wuxuu ugu jawaabayaa Diin ahaan, Fidro ahaan iyo Caqli ahaan isagoo dhahaya: Allaah. laakiin Sheydaanku ku joogsanmaayo xadkaas waswaasinta ah balse wuxuu u gudbayaa inuu dhoho: yaa abuuray Rabigaa? Markaas Muuminku wuxuu waswaaskaas isaga joojin karaa seddex arimood:
Ilaahay oo uu rumeeyo.
Iyo inuu Ilaahay Shaydaanka ka magan galo.
Iyo inuu ka joogsado inuu waswaaska sii wado.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan in la iska joojiyo waswaaska Sheydaanka iyo waxa nafta ku soo dhacaya oo aan lagu fakarin wax yaabaha waswaaska ah, oo Ilaahay ka magan galo inuu ka joojiyo waswaaskaas.
  2. Wax kasta oo qalbiga dadka ku soo dhaca oo waswaas ah Sharcigana khilaafsan Shaydaan ayuu ka yimid.
  3. Waa la iska reebay in Daatada Ilaahay lagu fekero, waxaana la isku booriyey in Ilaahay khalqigiisa iyo Aayaadkiisa lagu fekero.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.