عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِنَّ اللهَ لَا يَظْلِمُ مُؤْمِنًا حَسَنَةً، يُعْطَى بِهَا فِي الدُّنْيَا وَيُجْزَى بِهَا فِي الْآخِرَةِ، وَأَمَّا الْكَافِرُ فَيُطْعَمُ بِحَسَنَاتِ مَا عَمِلَ بِهَا لِلَّهِ فِي الدُّنْيَا، حَتَّى إِذَا أَفْضَى إِلَى الْآخِرَةِ، لَمْ تَكُنْ لَهُ حَسَنَةٌ يُجْزَى بِهَا».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2808]
المزيــد ...
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-:
Ilaahay kama Dulmiyo muuminka Xasano Aduunka wuu ku siiyaa Aakhirona wuu ku abaal mariyaa, Gaalkase xasanaadkii uu Aduunka Ilaahay darti ugu sameeyey ayaa lagu quudin intuu joogo Aduunka, markuu Aakhiro yimaadna mahelaayo Xasano lagu abaal mariyo.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2808]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey waynida fadliga Ilaahay siiyey muuminka, iyo cadaalada uu u sameeyey Gaalada. Muuminka laga nusqaamiyo ajar Xasano uu sameeyey, balse Aduunka waxaa lagu siin ajarka daacadiisa, iyado Ilaahay u kaydinaayo ajarka lagu abaal marindoon aakhiro, waxaana dhici karta in aakhiro loogu keydiyo ajarka oo dhan . Gaalkase Ilaahay wuxuu Aduunka ku siinayaa ajarka Xasanaadkii uu Aduunka ku sameeyey, markuu Aakhiro yimaadana ma helaayo ajar lagu abaal mariyo, waayo Camalka wanaagsan ee Qofka anfacaya labada daarood waa inuu Qofku Muumin yahay.