عَنْ حَكِيمِ بْنِ حِزَامٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، قَالَ:
قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، أَرَأَيْتَ أَشْيَاءَ كُنْتُ أَتَحَنَّثُ بِهَا فِي الجَاهِلِيَّةِ مِنْ صَدَقَةٍ أَوْ عَتَاقَةٍ، وَصِلَةِ رَحِمٍ، فَهَلْ فِيهَا مِنْ أَجْرٍ؟ فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَسْلَمْتَ عَلَى مَا سَلَفَ مِنْ خَيْرٍ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 1436]
المزيــد ...

Xakiim Binu Xisaam Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga waran waxyaabo aan ku cibaadeysan jirey waagii Jaahiliga, sida: Sadaqada, xoraynta Adoomada, iyo xiriirinta qaraabada ee ajar ma ka helayaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:" wixii khayr ahaa ee aad horay u samaysay ayaad ku islaamtay".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 1436]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey hadii gaalku Islaamo in laga ajar siinaayo camalkiisii wanaagsanaa ee waqtigii Jaahiliga ee Islaamka ka hor uu sameeyey, sida sadaqada, xoraynta Adoomada iyo xiriirinta Qaraabada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Gaalku xasanaadka uu aduunka ku sameeyey aakhiro laga ajar siin maayo haduu gaalnimodiisa ku dhinto.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (65)