+ -

عن بعض أزواج النبي صلى الله عليه وسلم عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«مَنْ أَتَى عَرَّافًا فَسَأَلَهُ عَنْ شَيْءٍ لَمْ تُقْبَلْ لَهُ صَلَاةٌ أَرْبَعِينَ لَيْلَةً».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2230]
المزيــد ...

Waxaa laga wariyey qaar ka mid ah Haweenkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay dheheen:
"Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2230]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa in loo tago faaliyaha -faaliyuhu waa magac guud oo ay wadaagaan wax sheega, xidigiyaha, faalka ciida, iyo wixii la mida, ee qaybka wax ka sheegiisa u daliishada wax yaabo hor dhac ah oo ay adeeg sadaan, in wax la waydiiyo kaliya ayuu Ilaahay uga xarimayaa qofka ajarka salaada afartan maalmood, waxaana loogu ciqaabay dambigaa iyo xumaantaa weyn ee uu sameeyey awgeed.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. waxaa Xadiiska ku sugan inay xaaraan tahay in faal la dhigo, iyo in la aado faalalow oo la waydiiyo wax qayb ah.
  2. Qofku wuxuu ku waayi karaa ajarka cibaadada isagoo lagu ciqaabayo macsida uu sameeyey.
  3. Waxaa soo gelaya xadiiskaan waxa loo yaqaan Burjiga iyo fiirintooda, iyo ku akhrinta Calaacasha, Bakeeriga iyo hadii ay xataa tahay daawsho uun, waayo kuligood waxay soo gelayaan Faalalowga iyo sheegashada Cilmiga Qaybka.
  4. Haday tahay taasi ciqaabta Qofka Faaliyaha u taga, maxaa lagu abaal marin Faalalowga?
  5. Afartanka Maalmood Salaadoodu way ka ansaxaysaa Qofka oo lama qalaynaayo laakiin ajar ma leh.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.