+ -

عن عمران بن حصين رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«‌لَيْسَ ‌مِنَّا ‌مَنْ ‌تَطَيَّرَ أَوْ تُطُيِّرَ لَهُ، أَوْ تَكَهَّنَ أَوْ تُكُهِّنَ لَهُ، أَوْ سَحَرَ أَوْ سُحِرَ لَهُ، وَمَنْ عَقَدَ عُقْدَةً، وَمَنْ أَتَى كَاهِنًا فَصَدَّقَهُ بِمَا يَقُولُ فَقَدْ كَفَرَ بِمَا أُنْزِلَ عَلَى مُحَمَّدٍ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ».

[حسن] - [رواه البزار]
المزيــد ...

Cimraan Binu Xusayn Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri:
(Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalowga ah ama loo faaliyo, ama saaxirka ah, ama loo sixro, iyo kan guntin sixira gunta, iyo kan u taga faaliye ee rumaysta wuxuu sheego, waanu ku gaaloobay diinta Nabi Maxammad scw lagu soo dajiyey).

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay Albazaar.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu u goodiyey qofkii ummadddiisa ah ee sameeya ficilada qaarkood oo u cadeeyey hadalkiisii uu yiri: ( naga mid maaha) waxaana ka mida:
Tan 1aad: waa qofka shimbiraha ka faaliya ama shibiraha looga faaliyo asalkeeduna waa: shimbiraha oo la duuiyo marka camal la bilaabayo sida safar, ganacsi iyo wixii la mid ah, haduu u duulo xaga midig wuu bishaaraysan wuuna ku dhaqaaqi camalkii uu rabay, haduuse u duulo xaga bidix wuu baasaysan waanu ka joogin wixii uu rabey, uma banaana inuu isagu waxaa sameeyo ama uu cid kale u dirsado, waxaa soo galaya baasaysigaa wax kasta oo maqal ah ama muuqaal ah, sida shibmiraha, xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, maalmaha, iyo wixii lamid ah.
Tan labaad: (waa qofka faaliya ama loo faaliyo) waa kan sheegta inuu qaybka wax ka og yahay isagoo adeegsanaya xiddigaha iyo wixii la midka ah, ama cidkale u taga sida wax sheega iyo wax lamida oo rumeysta wuxuu sheegay isago sheeganaya inuu yahay cilmi qaybka, kaasi wuu ku gaaloobay waxa Ilaahay ku soo dajiyey Nabi Maxamad scw.
Tan saddexaad:(waa qofka saaxirka ah ama isaga loo sixro) waa kan isagu sixirka sameeya, ama qofkale u dirsada inuu sixir u sameeyo, si uu cid wax u taro ama u dhibaateeyo, ama kan guntimo xarig ku xira kuna sixira wax uu ku akhriyo oo ah wax la magan galo oo xaaraan ah ku tufa.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa waajib in Ilaahay la tawakalo oo la rumeeyo qadarka iyo Qadaha Ilahay, waana xaaraan in laga faashado shimbiraha iyo in wax la baasaysto, ama la sixro ama wax sheege la aado, ama dadka waxaa ka shaqeeya wax la waydiisto.
  2. Cilmi qaybka in la sheegto shirkiga ayey ka mida tahay wuuna diidayaa towxiidka.
  3. Waa xaaraan in la rumaysto qofka wax sheega ah iyo in lootago, taas waxaa la raaciyaa akhrinta waxa lagu magacaabo Calaacasha, Koobka, iyo fiirintiisa hadii xataa ay thay iska daawasho uun.