عن أنس رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم:
«لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى أَكُونَ أَحَبَّ إِلَيْهِ مِنْ وَالِدِهِ وَوَلَدِهِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 15]
المزيــد ...

Anas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
" Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo dhan".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 15]

Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu inoo sheegay in Qofka Muslimku iimaankiisu kaamil noqon karin ilaa uu ka hor mariyo jacaylka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee jacaylka hooyadii, Aabbihi, Wiilkiisa, Gabadhiisa, iyo dadkoo dhan, jacaylkaasina wuxuu keenayaa in la adeeco, loo gargaaro iyo inaan la caasiyin.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa waajib jacaylka Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waana in laga hor mariyo jaceylka cidkasta oo Ilaahay abuuray
  2. Calaamada jacaylka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee kaamilnimadeedu: waa in sunada Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee loo hiiliyo oo naf iyo maalba lagu bixiyo.
  3. Jacaylka Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu keenayaa in lagu adeeco wuxuu faro, in la rumaysto wuxuu sheegay, lagana fogaado wuxuu reebay oo la joojiyey, iyo in la raaco lagana tago bidcada.
  4. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee xaqiisu waa ka wayn yahay kana adag yahay dadka oo dhan, waayo isagaa sabab u ahaa inaan ka soo hanuuno baadi, inagana celiyey naarta, kuna liibaano janada.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (62)