عن جُبَير بن مُطْعِم رضي الله عنه أنه سمع النبي صلى الله عليه وسلم يقول:
«لَا يَدْخُلُ الْجَنَّةَ قَاطِعُ رَحِمٍ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 2556]
المزيــد ...

Jubeyr Binu Mudcim Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya:
"Magalayo Janada Qofka gooya Qaraabada."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 2556]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Qaraabadiisa ka gooya waxay waajib ahaan ugu leeyihiin ee xuquuq ah, ama dhib iyo xumaan kula kaca, wuxuu mutaysanayaa inuusan Janada gelin.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qaraaba gonytu waa dambi dambiyada waa wayn ka mid ah.
  2. Qaraabo xiriirintu waa kolba sida Curfiga ah ee loo yaqaan, wayna kala duwan tahay sida ay u kala duwan yihiin Dhulka, waqtiga iyo dadku.
  3. Qaraabo xiriirintu waa in la is booqdo, Sadaqado la siiyo, in loo ixsaan falo , kan buka la booqdo, wanaaga la faro, xumaanta laga reebo, iyo wixii la mid ah.
  4. Mar kastoo Qaraabo gooytu tahay dadka sokeeyaha is ku ah dambigu waa ka sii adag yahay.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (66)