عن حذيفة رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول:
«لَا يَدْخُلُ الْجَنَّةَ قَتَّاتٌ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6056]
المزيــد ...

Xudeyfa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya:
"Janada magalo fitnoole."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6056]

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka dadka Xanta ee hadalka u kala qaada dadka si uu isugu diro uu mutaysanayo ciqaab ah inuusan Janada gelin .

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Isku dirku wuxuu ka mid yahay dambiyada waa wayn.
  2. Isku dirka waa la reebay, waayo wuxuu dhex dhigayaa dadka Qof ahaan iyo Busho ahaanba dhib iyo fasaad.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (68)